Waxaa maanta ka furmay Villa Soomaaliya shir muhiim ah
Waxaa maanta ka furmay Villa Soomaaliya shir muhiim ah oo dhexmaraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlayo arrimo siyaasadeed oo muhiim u ah mustaqbalka dalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda, soo dhoweyntaasi kaddib
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyey
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta sida lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya
Shirku wuxuu isu keenay madax ka socota Dowladda
Shirku wuxuu isu keenay madax ka socota Dowladda Federaalka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland. Kulankan ayaa la tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah isku xirka labada dhinac iyo xoojinta wadahadalka siyaasadeed ee dalka
Wararka ka soo baxaya shirkan ayaa sheegaya in doodaha ugu muhiimsan ay diiradda saarayaan Habka doorashooyinka ee soo socda iyo qaabka doorashada 2026, Saameynta abaarta sii kordheysa ee ku habsatay qaybo badan oo dalka ka mid ah, Arrimaha amniga qaranka, gaar ahaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo xoojinta qaab-dhismeedka federaalka
Shirkan ayaa leh muhiimad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, iyadoo saaxiibada caalamiga ah ay soo dhaweeyeen furitaankiisa, iyaga oo u arka tallaabo dhanka wadahadalka iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed

0 Comments