Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa xalay fiidkii hawlgal qorsheysan ka fuliyey inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, ciidamada ayaa helay xog ku saabsan dhaqdhaqaaq ay wadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la tuhunsanaa inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay gobolka Hiiraan
Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa la sheegay
Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa la sheegay inay dabagal ku sameeyeen kooxdaasi, iyagoo halkaas ku dilay afar ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, sidoo kalena gubay gaari ay adeegsanayeen wararka ayaa intaas ku daraya in hawlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada joogtada ah ee ka socda gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo Al-Shabaab
Maalmihii la soo dhaafay, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wajahaysay culaysyo xooggan oo ka yimid dagaallo iyo duqeymo ka dhacay gobollada Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo Hiiraan, halkaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa kooxda
Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay inay sii xoojin doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasiloonida guud ee dalka

0 Comments