Maxay tahay sababta dhaqaalaha Afrika uu u kobcayo balse saboolnimadu aanay u yaraanayn?


Dhaqaalaha Afrika

Labadii tobnaad ee sano ee la soo dhaafay, 

 Labadii tobnaad ee sano ee la soo dhaafay, Afrika waxay noqotay mid ka mid ah gobollada dunida ugu badan kobaca dhaqaalaha iyadoo celceliska kororka wax-soo-saarka guud uu gaadhay boqolkiiba 3.5 ilaa 4.5 sannadkii. Iyadoo hadda la galayo sannadka 2026, rajada kobaca ayaa weli ah mid wanaagsan warbixin uu Baanka Adduunku soo saaray 2024 ayaa muujinaysa in waddamada Afrika ee ka hooseysa Saxaraha uu kobocoodu boqolkiiba 3.8 sannadkaas

Waxaana la filayaa in kobocu gaaro inta u dhexeysa

Waxaana la filayaa in kobocu gaaro inta u dhexeysa boqolkiiba 4.1 ilaa 4.3 muddada 2026–2027. Hase yeeshee, tirooyinkan guud ee dhaqaale ma muujinayaan xaqiiqada nolosha dadka badankood in ka badan 460 milyan oo Afrikaan ah ayaa weli ku nool saboolnimo aad u daran, iyagoo ku nool dakhli aan ka badnayn 2.15 doolar maalintii—taas oo ka badan tiradii jirtay 15 sano ka hor, inkastoo uu jiray koboc dhaqaale

Xitaa dalalka lagu tilmaamo kuwa waxqabadkoodu

Xitaa dalalka lagu tilmaamo kuwa waxqabadkoodu wanaagsan yahay, sida Tansaaniya, Rwanda iyo Itoobiya, kobocu waxa uu inta badan ka muuqdaa kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada gaadiidka, maalgelinta magaalooyinka iyo ballaarinta waaxda maaliyadda laakiin qoysaska saboolka ah, qiimaha nolosha oo kacaya, sicir-barar, mushaharka oo hooseeya iyo shaqooyin aan xasilloonayn ayaa dhibaatooyin keena Caqabadda ugu horreysa ayaa ah in koboca dhaqaale ee Afrika aanu dhalin shaqooyin macno leh

Baanka Adduunku wuxuu muujinayaa in koboc kasta oo boqolkiiba hal ah oo ku yimaadda wax-soo-saarka guud ee Afrika, saboolnimadu ay hoos u dhacdo celcelis ahaan boqolkiiba hal, halka celceliska caalamka uu ka badan yahay boqolkiiba 2.5 tani waxay tilmaamaysaa in dhaqaalaha qaaradda inta badan uu ku tiirsan yahay waaxyo aan shaqooyin badan abuureyn, sida qodista macdanta, hawlaha dawladda, ama macaamillada waaweyn ee maaliyadeed

Dhanka kale, waaxyaha shaqaalaha ugu badan qaata sida beeraha ayaa weli leh wax-soo-saar hoose, tiknoolajiyad casri ahna ma haystaan, sidoo kalena ma leh qiime-darin sare oo dakhli u keenta beeralayda inkasta oo beeruhu ay bixiyaan in ka badan boqolkiiba 55 shaqooyinka Afrika, haddana waxay ku biiriyaan wax ka yar boqolkiiba 20 wax-soo-saarka guud ee dalal badan 

Post a Comment

0 Comments