Warshada kalluunka ee Las Qoray oo dib loo habeeyey, lana casriyeeyey ayaa rasmi ahaan u bilowday wax soo saarkeeda

Warshada kalluunka ee Las Qoray

Warshada Laasqoray oo ahayd warshad laga leeyahay 

 Warshada Laasqoray oo ahayd warshad laga leeyahay dalka Somalia ayaa bur burtay markii ay dhacday dowladii hore ee Somaliya . Waxaa dib u maalgaliyay ganacsato Soomaaliyeed oo dib u furay mudo laga joogo dhowr sano kahor laakiin waxaa soo dhex galay ganacsatada qilaaf wayn taasoo keentay in warshada ay xirmato

Warshada kalluunka ee Las qoray oo dib loo habeeyey

Warshada kalluunka ee Las qoray oo dib loo habeeyey,lana casriyeeyey ayaa rasmi ahaan u bilowday wax soo saarkeeda,sida uu BBCda u sheegay Ali Mohamed Hassan oo ka mid ah maamulayaasha warshadda Las Qoray dhinaca kale shanta wadan ee bariga Africa ee ku midoobay ururka East Africa Community ayaa heshiis ganacsi kula saxiixay magaalada Kampala midowga Europe taasoo u suurta galinaysa in ay suuqyada shanta wadan ee Uganda, Tanzaniya Kenya ,Burundi iyo Rwanda iyo suuqyada labaatan iyo todobada wadan ee midowga yurub ay isku furmaan

Tani waxay ka danbaysay ururka ganacsiga aduunka

Tani waxay ka danbaysay ururka ganacsiga aduunka WTO oo qasab uga dhigay wadamada aduunka inay ganacsiga xor ka dhigaan . Laakiin waxaa jira cabasho badan oo ka imaanaysa haya daha gargaarkaee caalamiga ah iyo siyaasiyiinta wadamada Africa oo ah in dowladaha africa ay waynayaan canshuurtii ay ka qaadi jireen alaabada laga keeno yurub

Waxaana lagu maal galin jiray horumarka wadanka dhinacyada wax barashada, caafimaadka iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha iyo inaysan la tartami karin wadamada yurub alaabada ay suuqa afrca ay keeni doonaan gaar haan beeralayda oo aan la tar tami karin sicirka beeralayda yurub ay ku iibiso cuntada taasoo sabab u ah lacagta ay beeralayda yurub ku kabto beeralaydooda.heshiiskan cusub waxaa la saxiixi doonaaa dhamaadka December

Post a Comment

0 Comments