Milkiilaha ahna maamulaha shirkadda Twitter Elon Musk
Milkiilaha ahna maamulaha shirkadda Twitter Elon Musk ayaa dadweynaha adeegsada bartaas ka qaadaya afti ku saabsan in uu sii ahaado madaxa shirkaddaas iyo in kale maalqabeenkan ayaa afti weydiinaya 122 qof oo ku xiran koontadiisa waxa uuna yidhi “Ma banneeya xilka madaxa shirkadda ee aan hayo
Waxaan u hoggaansami doonaa natiijada aftida
Waxaan u hoggaansami doonaa natiijada aftida” ayuu ku yidhi qoraal uu bartiisa soo dhigay in ka badan 13 milyan oo qof ayaa ilaa iyo haatan codeeyay kuwaas oo u codeeyay in Musk uu xilka banneeyo
Ninkan oo sidoo kale maamula shirkadaha Tesla
Ninkan oo sidoo kale maamula shirkadaha Tesla iyo SpaceX ayaa la kulmayay dhaliilo waaweyn tan iyo markii uu bishii Oktoobar la wareegay milkiyadda iyo maamulka barta bulsho ee Twitter
Ninkan ayaa shirkadda Twitter ku iibsaday 144 Bilyan oo dollar dad badan ayaa ka biyo diiddanaa hannaanka maamul ee uu shirkadda la yimi kaa oo sababay in kumannaan kamid ahaa shaqaalihii shirkadaas ay shaqooyinkooda waayaan

0 Comments