Xulka qaranka Morocco ayaa si guul leh ku bilaabay
Xulka qaranka Morocco ayaa si guul leh ku bilaabay Tartanka Koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay 2–0 kaga adkaadeen xulka Comoros kulankii ugu horreeyay ee heerka guruubyada, kaasoo ka dhacay garoonka Prince Moulay Abdellah Sports Complex
Guushan kaddib, xulka Morocco
Guushan kaddib, xulka Morocco wuxuu helay 3 dhibcood, isagoo hoggaanka u haya Group A, halka xulka Comoros ay weli dhibco la’aan ku jiraan kaalinta afraad. Dhanka kale, xulalka Mali iyo Zambia ayaa berri kulmi doona isla wareeggan
Xulka Morocco ayaa goolka furitaanka dhaliyay
Xulka Morocco ayaa goolka furitaanka dhaliyay kadib markii Ibrahim Diaz uu ka faa’iideystay kubbad uu gudaha xerada ganaaxa uga soo qaaday Mazraoui, taasoo Diaz si xirfad leh shabaqa ugu hubsaday
Daqiiqaddii 74-aad, ciyaaryahanka beddelka ku soo galay Ayoub El Kaabi ayaa dhaliyay goolka labaad ee Morocco, kaddib markii uu kubbad qurux badan ka helay Salah Eddine, taasoo uu si cajiib ah ugu dhaliyay shabaqa

0 Comments