Dowladda Federaal Soomaaliya ayaa qarka
Dowladda Federaal Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay lumiso xubinnimada Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC, isla markaana la sheegay inay diri waydey xildhibaannadii ku meteli lahaa kursiga ururka oo muddo dheer laga sugayay Soomaaliya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deddaal dheer ku bixisay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Bariga Afrika
Dowlada Soomaaliya bixisay qaaraan dhan 3.5 milyan
Dowlada Soomaaliya bixisay qaaraan dhan 3.5 milyan oo doollar, iyadoo ay wali hirgelin in dadka Soomaaliyeed ay si hufnaan ah oo dal ku-gal la’aan ugu socdaallan dalalka Bariga Afrika Soomaaliya ayaa laga aqbalay codsigeeda ku biirista Daladda Bulshada Bariga Afrika dhammaadkii bishii Nofeembar 2023, waxaana si rasmi ah xubinnimadeeda qalinka lagu duugay laguna dhawaaqay 4-tii Maarso 2024
Ku biirista dalladan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay
Ku biirista dalladan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo taarikhi ah oo Soomaaliya u horseedaysa horumar dowladda Soomaaliya ayaa heshay soo dhaweyn goboleed, iyada oo xubinnimadeeda ay tahay dalkii 8aad ee Ururka Bulshada Afrika ku biira. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sheegtay inay gaartay guul taarikhi ah muddan in la illaalshado oo ay tahay dhaxal reeb ummadeed
Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ku dhaqan Bariga Afrika ayaa sheegay inay u arkaan ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay xuquuq ka maqnayd dhowr sanno oo ay in badan sugaayeen dhanka kale, haddana waxaa soo ifbaxaya Soomaaliya inay lumin karto xubinnimada daddaalka badan loo maray. Sida la sheegay calaamadaha muuqda ay Soomaaliya ku lumin karto xubinimadeeda Ururka Bulshada Bariga Afrika ma ahan kuwa bannaanka ee dayac gudaha ah ee dowlada Soomaaliya ku kacday
Inkastoo Soomaaliya dhamaystirtay dhammaan shuruucdihii ay ururka ugu biiri lahayd, haddan waxaa ku adkaatay inay dal ahaan qaadato metellaadeeda waana mida caqabad ka dhigaysa inay joogto booska 8aad ee ururka daladda Bulshada Bariga Afrika waa urur ku dhisan saami-qeybsiga, shaqo bixinta qaadhaanka, Soomaaliya waxay magacawday wasiirka Bulshada Bariga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxayn gudbisay magaca garsooraha ku metellaya maxkamada sarre ee Caruusha
Taasoo ah maxkamada garsooraha ugu sarreysa ee gobolka Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan soo magaacabin sagaalka xubnood ee baarlamaanka kuwaas oo ku metelaya baarlamaanka mideysan ee ururka. Sida uu u shaqeeyo Ururka Bulshada Bariga Afrika waxaa qasab ah in la helo xubno baarlamaan oo dalkaaga ku metelaya ururka waana inay noqdaan xubno firfircoon oo shaqada si hufan u guta

0 Comments