Tiknaloojiyada caalamka maxaa ka cusub

Tiknoologiyada

 Tiknoolajiyadda iyo horumarka laga gaadhey

 Tiknoolajiyadda iyo horumarka laga gaadhey waxey keeneen is badelo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi kareyn balse maanta waxeynu u gon leenahay is badelka ay ku keeneen ganacsiga iyo fursadaha ay soo kordhiyeen wakhtiyadii hore ganacsigu wuxu ahaa mid hal magaalo ama wadan ku kooban iyadoo ay jirtay caqabado iska war hayneed oo ay xadidnayd awooda lagu ogaanayo adeega aad bixiso amaba Alaabaha aad iibiso

Imikase waxa aad u fudud in qaarad 

Imikase waxa aad u fudud in qaarad ilaa qaarad aad isku sharixi karto waxa aad tahey iyo waxaad soo kordhisayba. waxaan iyana meesha ka maqneyn inaad qof kaa fog oon kuu muuqan aad wax ka iibin karto adoon is hawlin isna kalifin Tusaale intarneetka ayaad ka dhex caashaqday shaadh, deedna waxaad damacdey inaad iibsato

Qiimihiina waabu kuu muuqdaa, dabadeed 

Qiimihiina waabu kuu muuqdaa, dabadeed kaardhkaaga waa (Credit Card)ka e ayaad galineysaa sidaasi ayaad ku iibsatey, gaadhi duulayaa kadinka kuugu keenaya ama boostada kuu dhigaya.  ama kasoo qaad adoo geeska afrika jooga ayaad tilifoon u direysaa shirkad shiinaha ku taala adoo dalbanaya alaabo, heshiis baad galeysaan sidaasaaney alaabtii kugu soo gaadheysaa. adoon waligaa shiinaha tagin ayaad kasoo adeegatey miyaaney cajaa,ib ahayn?

Waxaaba jira dad iyagu usoo tafaxaytay iney ka shaqeystaan fududeynta adeegyadaa oo sameystay suuq online ah, oo qofba wuxu hayo intuu u sheego, ku kalena wuxuu doonayo u sheego bartaa kuugu soo xaadirinaya oo isna dulsaar yar ka qaadanaya maalinba maalinta ay kasii danbeysana ganacsigu wuu sii horumarayaa, waxa laga yaaba qarniyada soo socda in la gaadho wax wakhti xaadirkan aaney maskaxdeenu suureyn karin

Post a Comment

0 Comments