Everton Oo Man United Ku Dhex Garaacday Garoonkeeda Old Trafford.

Everton Iyo Man United

Kooxda Everton ayaa guul muhiim ah ka gaartay

Kooxda Everton ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Manchester United kadib markii ay 1-0 ku adkaadeen kulanka horyaalka Premier League Everton oo ciyaartay ayagoo 10 ciyaaryahan ah tan iyo daqiiqaddii 12-aad – dhacdo layaab leh ciyaarta ka dhacday garoonka Old Trafford waxaa goolka kaliya ee kulanka dhaliyay Kiernan Dewsbury-Hall daqiiqaddii 29-aad

Goolka wuxuu yimid kadib markii Hall

Goolka wuxuu yimid kadib markii Hall uu kubbadda ka helay khadka dhexe, si fududna uga dhex baxsaday difaaca oo aan kubbadda ka joojin, wuxuuna ku dhaliyay laad qurux badan oo uu shabaqa ku hubsaday Manchester United ayaa ahayd kooxda maamulaysa inta badan labada qayboodba ee ciyaarta

Balse goolhayaha Everton Jordan Pickford 

Balse goolhayaha Everton Jordan Pickford ayaa ka jawaabay dhammaan kubbadihii halista ahaa ee loo tuuray dadaallada Man United ay ku doonayeen inay ku helaan goolka barbarraha way fashilmeen, waxaana ciyaartu ku dhammaatay guul qaali ah oo ay Everton qaadatay

Waxaa xusid mudan in ciyaarta ka dhacday  dhacdo yaab leh, kadib markii garsooruhu ka saaray garoonka xiddiga Senegal Idrissa Gueye daqiiqaddii 12-aad, kaddib markii ay isku dheceen saaxiibkiis kooxda Everton ka tirsan, Michael Keane Manchester United hadda waxay ku jirtaa booska 10-aad ee kala sarreynta Premier League iyagoo leh 18 dhibcood, halka Everton ay ku jirto booska 11-aad

Post a Comment

0 Comments