Newcastle Oo Hadiyad U Dirtay Arsenal, Man City Ayay Ka Reebeen

Newcastle

Kooxda Man City ayaa guuldaro kala kulantay Newcastle 

 Kooxda Man City ayaa guuldaro kala kulantay Newcastle Kulan ka tirsanaa Premier League kooxda Newcastle ayaa hadiyad qaali ah u dirtay kooxda Arsenal iyaga oo ka joojiyay Man City goolasha kulanka ka dhacay garoonka St. James’ Park waxa uu ku bilowday gool uu Harvey Barnes u dhaliyey Newcastle daqiiqaddii 64-aad, kaddib markii uu qaaday laad xooggan oo dhulka jiifa 

Rúben Dias ayaa ku guuleystay inuu barbareeyo 

Rúben Dias ayaa ku guuleystay inuu barbareeyo ciyaarta isagoo gool u dhaliyey Manchester City daqiiqaddii 68-aad, kaddib markii uu si xooggan u toogtay kubbad uu difaacu ku guuldarreystay inay ka saaraan aagga khatarta Barnes ayaa mar kale ku guuleystay inuu dhaliyeyo goolka guusha ee Magpies daqiiqaddii 70-aad, goolkaas oo yimid isagoo si fiican u dhammeystay kubbad qalalaase ku ahayd gudaha xerada ganaaxa

Ciyaartoyda Manchester City ayaa isku dayay

Ciyaartoyda Manchester City ayaa isku dayay inay ugu yaraan helaan goolka barbaraha, balse dadaalladoodii guul kama aysan gaarin, waxaana ciyaarta ku dhammaatay guul adag oo Newcastle ay ka gaartay

Guusha maanta kadib, Newcastle waxay gaareen 15 dhibcood oo ay kaga jiraan kaalinta 14-aad ee kala-sarraynta Premier League, halka Manchester City ay ku jirto kaalinta 3-aad iyagoo leh 22 dhibcood

Post a Comment

0 Comments