Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa farta ku fiiqay cida iska leh masuuliyada guuldaradii Kooxdiisa ka soo gaadhay Nottingham Forest Liverpool ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Forest kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League
Niyad jab kale oo weyn, Waxaan si fiican ku bilownay
Niyad jab kale oo weyn, Waxaan si fiican ku bilownay 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, waxa nagala dhaliyay gool isla markaas waxa aan awoodi waynay in aan u ciyaarno sidii aan markii hore u ciyaarnay”ayuu Slot yidhi
Ma garanayo (goolka koowaad) waxaan maqlay inuusan
Ma garanayo (goolka koowaad) waxaan maqlay inuusan offside ahayn, haddii uusan offside ahaynna wax la doodaa ma jiraan waxa aan abuurnay fursado waxa aan suganay in aan dhalino laakiin waxa nalaga dhaliyay laba gool oo madax ah
Haddii wax wanaagsanaadaan ama ay xumaadaan, mas’uuliyadda aniga ayay i saaran tahay. Ma aanan awoodin inaan abuurno fursado ku filan. Waxaan isku dayay inaan wax yar hagaajiyo, laakiin kama aysan miro dhalin. Gool ma aanan dhalin

0 Comments