Ciyaaryahankii hore ee xulka Jarmalka
Ciyaaryahankii hore ee xulka Jarmalka, Jens Lehmann, ayaa magacaabay Arsenal iyo Bayern Munich inay yihiin labada koox ee ugu fiican adduunka haatan wuxuu hadalkan yiri isagoo saadaalinayay kulanka Champions League ee labada koox dhexmari doona waxa uu noqon doonaa tijaabada ugu weyn ee Hor iman doonta Arsenal
Marka ay la ciyaarayaan kooxda ugu cad-cad
Marka ay la ciyaarayaan kooxda ugu cad-cad hanashada horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich, kulankaas oo ka dhici doona garoonka Emirates habeenka Arbacada Arsenal ayaa haatan lix dhibcood ku horreysa horyaalka Premier League, iyagoo hal mar oo keliya laga badiyay 12-kii ciyaarood ee ugu horreeyay, kana soo dhalliyay kaliya lix gool Kooxda Mikel Arteta ayaa ah kuwa si kooban loogu saadaalinayo inay qaadaan koobka Premier League markii ugu horreysay tan iyo 2004
Waxay sidoo kale ku guuleysteen afar kulan oo xiriir ah
Waxay sidoo kale ku guuleysteen afar kulan oo xiriir ah Champions League iyagoo aan hal goolna laga dhalin sida Arsenal oo kale, Bayern ayaa ugu cad-cad ku Guulaysiga Bundesliga waxay sidoo kale yihiin kooxda ugu goolal badan Yurub xilli ciyaareedkan ilaa hadda, sidoo kalena waa mid ka mid ah saddexda koox ee kaliya leh 12 dhibcood afar kulan oo Champions League ah kadib
Lehmann wuxuu rumeysan yahay in labadaas koox ay yihiin “labada koox ee ugu wanaagsan adduunka isagoo la hadlayay TZ München, goolhayihii hore ee Arsenal wuxuu yiri: “Labada koox ee ugu wanaagsan adduunka haatan ayaa iska hor iman doona. Labaduba waxay hadda u ciyaarayaan si heer sare ah
Waxaan filayaa ciyaar aad u dhow. Bayern waxay si heer sare ah uga ciyaartay Paris [markii ay 2-1 kaga badiyeen PSG oo ah ku guuleystayaasha Champions League], laakiin haddii ay doonayaan inay sidaas oo kale cadaadis u saaraan Arbacada, Arsenal waxay u ciyaari doontaa si waxyar ka duwan taasi waa mid xiiso leh. Waa ciyaar Arsenal ku dheeleyso garoonkeeda, sidaas awgeed waxaan u arkaa inay leeyihiin faa’iido yar

0 Comments