Puntland oo 7 cishe u qabatay dadka uga guuraan tuulooyinka ku dhow togga Baallade

Puntland

Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow

 Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo raashin iyo xoolo nool hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyay dadka ku nool deegaanka Tasjiic inay la macaamilaan Daacish

Iyagoo sheegay in dowladdu ku qasban tahay

Iyagoo sheegay in dowladdu ku qasban tahay inay qaaddo tallaabo looga hortagayo in ururkan uu helo sahay uu ku sii shaqeeyo Ciidamada amaanka ayaa dhawaan xiray rag iyo dumar lagu eedeeyay inay raashin iyo badeecooyin kale u geeyeen kuwaas oo la qabtay xilli ay kasoo laabanayeen togga Baallade. Sidoo kale, qaar ka mid ah shacabka ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan miino-dhigayaasha kooxda Daacish

Go’aankan ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka dhaliyay

Go’aankan ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka dhaliyay odayaasha iyo nabadoonnada ka soo jeeda tuulooyinka lagu amray inay ka guuraan dhulkooda, kuwaas oo sheegay in dadka deegaanka ay ku jiraan xaalad abaareed oo culus isla markaana aysan haysan awood ay kaga guuraan dhulkooda

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu doonayo in dadka degaanadooda laga barakiciyo si dhulka loogu wareejiyo Imaaraadka, oo uu sheegay inay doonayaan inay halkaas ka qotaan macdan. Wuxuu sheegay in bulshada deegaanka aysan awood u lahayn barakac cusub, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn Daacish

Nabadoonku wuxuu ugu baaqay dowladda inay ciidamo geyso tuulooyinka si loo soo qabto cid kasta oo Daacish u shaqaysa, halkii shacabka laga barakicin lahaa dhulkooda

Post a Comment

0 Comments