Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena
Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena, faa'ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra Viagra waxa loo yaqaan "kaniiniga buluuga ah". Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la'aanta ragga
Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil,
Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo qaraha si lamid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka Maadada Citrulline ee ku jirta qaraha waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado
Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta
Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay qaraha ayaa sheegay, "Waxaan la soconnaa in qaraha uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka
Wuxuu intaa ku daray, "Qaraha kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse qaraha wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah waxa jiraa faa'idooyin kale oo laga helo qaraha

0 Comments