Tiknoologiyada Casriga Ah Iyo Jiilkeena Cusub

Tiknoologiyada

Tiknologiyadu waa nimco ilaahay bini’aadamka 

Tiknologiyadu waa nimco ilaahay bini’aadamka ugu deeqay. Casrigaan lajoogo waxay noqotay nolosha bini’aadamka qayb muhiima oo ka mida waa wax faa’iido iyo khasaaraba lagu qabo, waa seef laba afleh oo dhankasta (samaan iyo xumaan) loo adeegsankaro, hase ahaate umadduhu inta badan waxay u adeegsadaan dhanka wanaagsan oo ahaa baahidii loo qabay oo loo samaystay

Markaan u nimaadno waxa loo yaqaan (Barkulanada Bulshada)

Markaan u nimaadno waxa loo yaqaan (Barkulanada Bulshada) oo ah qayb ka mida Tiknololgiyada ayaa saamayn balaaran ku yeeshay dadyowga afrikaanka ah oo Soomaalidu kamidtahay, inkastoo bulshadu siday doonaan u adeegsadaan cida u nugul oo la orankaro dhibaato weyn ayay ku haysaa waa jiilka cusub, waa dad adduunku ku cusubyahay  awoodda xakamaynta naftuna aysan ku badnayn

Maadaama uu ku badanyahay xiisuhu (shahwaad)

Maadaama uu ku badanyahay xiisuhu (shahwaad)  waxaa dhicikarta wax ay rabaan oo xiisaynayaan inay dhibaato u gaystaan naftooda, laakiin aysan ayagu si durugsan uga sii fakarin halka uu lamari karo xiisahooda dhalinyaradu ayadoo u nugul waxkasta  haddii aysan helin cid daryeelaysa oo aan kaliya muuqaalkooda iyo jir ahaan u daryeeline  u hagaajisa maskax ahaan iyo Aqoon ahaan way ku adkaan kartaa

Sidii ay ugu babacdhigi lahaayeen duruufaha ay la gooni noqdeen, sidii ay hormar naftooda iyo bulshadoodaba ku gaarsiin lahaayeen umaddaha adduunku waxay ku tashadaan oo ay siwanaagsan u barbaariyaan dhalinyaradooda iyo jiilka usoo kaca way ku faro adaygaan oo dadaal badan galiyaan sidii ay usoo saarilahaayeen jiil cusub  oo tayo iyo Aqoon leh oo badala kalana wareega masuuliyadii ay hayeen si ay taasi ugu suurto gasho waxay awoodda saaraan una gogol xaaraan jiilka dhalanaya iyo kuwa dhashay

Umadda hormaraysa waxaa lagu gartaa la tacaalida iyo ka warhaynta dhalinteeda, ileen waa kuwii sii wadi lahaa hormarka ay rajaynayso, kuwii badali lahaa kaalintii aabbayaashood iyo hooyooyinkood ka gaboobaan ama ka geeriyoodaan Carruurta aan wali qaangaarin ama markaas qaangaaray ee caqligoodu uusan wali u bislaan inuu xakameeyo oo ka celiyo waxyaabaha aan faa’iidadu ugu jirin (disadvantage) waxaa dhibaato weyn ku haysa isticmaalka xad dhaafka ah ee Barkulanada, carruurta noocaana wax eeda malahan ee eeda waxaa iska leh waalidka

Marxaladda ugu muhiimsan in ilmaha si weyn looga war hayo oo isha lagu hayo dhaqdhaqaaqyadooda waa marka ay carruurnimada kasii baxayaan una gudbayaan ruux masuuliyad qaadikara oo garaadkiisu ku filanyahay. Waqtigaan waa mid waalidka aad moodid inuu ka caajiso xannaanada iyo barbaarinta joogtada ah ee laga yaabo inuu lasoo daba taagnaa ilaa dhalashadiisii waalidiin badan marxaladdaan (toban jir ilaa qaangaarka) way hodaa (way ku sirmaan) 

Waxay ku tiriyaan ilmaha masuul buuxa, waxa dhicikarta inay ku fasaxaan waxyaabo markii hore laga celin jiray. Waxa keenay in carruurteenu ay qabatimaan isticmaalka barahaan waxaan isla garanay inay tahay waalidkii oo ka gaabiyay dhaafsiinta carruurta marxaladdaan kala guurka ah,  markaas cunugii wuxuu dalbanayaa waxkastoo u fududaynaya adeegsiga barkulanada  sida Dal dhaweeye (mobile), kharash lacag uu ku isticmaalo iwm

Waalidkuna dalabkaas si fudud ayuu ugu fuliyaa cunuga. Markaad aragtid waalidiin badan oo carruurtooda aan qaangaarka ahayn mobeelo iyo aalado kale mashquul badan  u iibiniya oo arrintaas ku taageeraya waxaad ogaanaysaa inay jirto baraarug la’aan weyn oo bulshada dhexdeeda ka jirta.  In waalidku uusan kasii fakarin saamayn ay qalabkaan carruurta  ku yeelanayaan

Post a Comment

0 Comments