Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Tartanka Premier League Ee Liverpool Iyo Arsenal.

Pep Guardiola

Pep Guardiola ayaa ku adkaystay in aan Liverpool

 Pep Guardiola ayaa ku adkaystay in aan Liverpool laga saarin tartanka horyaalka Premier League ee ay kula jiraan Arsenal, inkasta oo ay kooxdaasi ku jirto xaalad liidata oo natiijooyin xun kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa laga badiyey saddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League, balse way iska soo kabsadeen kadib markii ay 5-1 ku xasuuqeen Eintracht Frankfurt kulan ka tirsanaa Champions League Arbacadii habeenkii

Guuldarrooyinkii ka dhashay kulamadii ay la yeesheen

Guuldarrooyinkii ka dhashay kulamadii ay la yeesheen Crystal Palace, Chelsea iyo Manchester United ayaa ka dhigay Liverpool kaalinta afraad ee Premier League, iyagoo afar dhibcood ka hooseeya hoggaamiyeyaasha Arsenal dhanka kale, Manchester City ayaa hal dhibic ka dambeysa Arsenal kahor inta aysan Axadda u safrin si ay ula ciyaaraan Aston Villa 

Markii la weydiiyay haddii uu aaminsan yahay in City

Markii la weydiiyay haddii uu aaminsan yahay in City ay si qarsoodi ah ugu jirto tartanka horyaalka Premier League, Guardiola si kaftan ah ayuu uga jawaabay waa hagaag, labadii kulan ama saddexdii kulan ee hore, haa, waa hubaa annaga [City] waan ka baxay tartanka Liverpool waxa la sheegay in ay ka hadhay tartanka, waxana ay u muuqatay in ay ka hadhayso laakiin ay soo laaban doonaan

Waxaan hore u iri marar badan — dhammaan falanqeeyayaasha, khubarada iyo ciyaartoydii hore, dhammaantood way ogaadaan waxa dhici doona kaddib shan kulan oo keliya. Anigu taas ma awoodo markaa had iyo jeer waxaan sugaa ilaa 10 ama 15 kulan si aan si dhab ah u fahmo waxa socda. Laakiin dabcan, waxaan aaminsanahay in Liverpool iyo Arsenal ay halkaas joogaan, koox kalena way soo bixi doontaa anaguna wan rajaynaynaa in aan tartanka ku jirno

Post a Comment

0 Comments