Wasiir Fiqi oo ku baaqay in la dardar-geliyo qorshayaal cilmi-ku-dhisan oo lagu xoojinayo adkaysiga musiibooyinka dalka

Wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi 

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qayb galay Shirkii Labaad ee Adkaysiga Musiibooyinka Soomaaliya, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) shirka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda dowladda ee ka hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka soo noqnoqda ee dalka ku dhaca

Sida fatahaadaha, abaaraha, iyo cudurrada la xiriira

Sida fatahaadaha, abaaraha, iyo cudurrada la xiriira isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga dooday saameynta dhaqaale iyo tan bulsho ee ay keeneen wasiir Axmed Macallim Fiqi, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xeelado ku dhisan cilmi-baaris iyo xog-ururin dhab ah, si loo helo xalal waara oo wax looga qabto musiibooyinka ku soo noqnoqda dalka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh, iyo burbur ku yimid kaabayaasha qaranka 

Waa in aan dhisnaa nidaamyo ku saleysan xog

Waa in aan dhisnaa nidaamyo ku saleysan xog, cilmi iyo qorshe fog oo dadka iyo dalka u dammaanad qaadaya badbaado iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Wasiirku wuxuu sidoo kale ammaanay SoDMA iyo hay’adaha cilmi-baarista ee dalka gudihiisa ku shaqeeya, kuwaas oo uu sheegay inay door muhiim ah ka ciyaarayaan dhismaha nidaamyo qaran oo adkaysi leh, loona diyaariyay ka hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah

Post a Comment

0 Comments