Ku dhawaad 20 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Kooxda Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab

 Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley

Kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame

Kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame Howlgaladaan laga fuliyay deegaanadaan dhowrka ah ee ka tirsan Jubbada Hoose ayaa lagu dilay ilaa 18 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sido kale lagu dhaawacay 32 kale oo kale, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland

Howlgaladaan oo ahaa kuwa isugu jiray cir iyo dhul

Howlgaladaan oo ahaa kuwa isugu jiray cir iyo dhul ayaa sidoo kale ciidamadu waxay ku burburiyeen godad ay ku dhuumaalaysanayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaalay dhulka howdka ah

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamukka Jubbaland ayaa inta badan si wadajir ah deegaanada Jubbaland uga fuliya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab

Post a Comment

0 Comments