Cabsida laga qabo garaadka macmalka (AI) ee caqliga badan oo cirka isku shareertay ayadoo lagu baaqayo in la joojiyo

(superintelligent AI

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Reuters

 Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Reuters koox ay ka mid yihiin shaqsiyaad caan ka ah warbaahinta midigta fog ee Mareykanka sida Steve Bannon iyo Glenn Beck ayaa saxiixay bayaaan ku baaqaya in la joojiyo horumarinta garaadka macmalka ah ee aadka u garaad sareeya (superintelligent AI) ilaa iyo inta dadweynuhu si cad u dalbanayaan, isla markaana cilmigu u sameeyo waddo ammaan ah oo la raaco, sida ay sheegayaan ururada aan macaash doonka ahayn ee abaabulay hindisahan

Qorshahan, oo sidoo kale ay saxiixeen hal-abuurayaal

Qorshahan, oo sidoo kale ay saxiixeen hal-abuurayaal teknoolojiyadeed sida Geoffrey Hinton iyo Yoshua Bengio, waxaa soo diyaariyey Machadka Future of Life Institute, kaasoo in ka badan toban sano ka shaqeynayay wacyigelinta khatarta ay sheegayaan in ay Garaadka macmalka ahi u leeyahay aadanaha machadkan oo la aasaasay 2014, waxaa si hore u taageeray maamulaha guud ee Tesla, Elon Musk, iyo barnaamij-yaqaan/maalgashade teknoolojiyeed Jaan Tallinn

Dad badan oo ka tirsan warshadaha teknoolojiyadda

Dad badan oo ka tirsan warshadaha teknoolojiyadda iyo dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeeda hakinta noocan ah, iyagoo ku doodaya in cabashadani tahay mid aan sal lahayn oo caqabad ku ah hal-abuurka iyo kobaca dhaqaale Si kastaba ha ahaatee, taageerada ay muujinayaan shaqsiyaad sida Bannon waxay muujin kartaa kororka walaaca laga qabo AI-da ee ka dhex jirta dadka garabka midigta ah, xilli dad badan oo xidhiidh la leh Silicon Valley ay 

Xilal muhiim ah ka hayaan maamulka Madaxweyne Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga Steve Bannon iyo Glenn Beck kama aysan jawaabin dalab ku aadan in ay faalo ka dhiibtaan arrintaan. Dad kale oo saxiixay bayaanka waxaa ka mid ah Steve Wozniak, oo ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda Apple, Madaxweynihii hore ee Ireland Mary Robinson, iyo aasaasaha Virgin Group Richard Branson, sida uu sheegay machadka

Dhanka kale sida uu qoray warsidaha The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Harry iyo Meghan, ayaa ku biiray hal-abuurayaasha hormuudka u ah ka hortagga Garaadka macmalka ee xeeldheeraha (superintelligent AI) Harry iyo Meghan waxay ka mid yihiin dadka saxiixay bayaanka ku baaqaya in "la mamnuuco horumarinta garaadkan macmalka ah ee tayadiisu sarayso." Habkaan oo loo yaqaanno (ASI) ayaa ah nidaamyo AI ah oo aan weli la horumarin, kuwaasoo la filayo inay ka sare mari doonaan aadanaha dhanka garaadka iyo shaqooyinka maskaxeed oo dhan

Bishii Luulyo, Mark Zuckerberg, oo ah maamulaha guud ee Meta shirkadda hooyada u ah Facebook kana mid ah hormuudka horumarinta AI-ga ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in horumarinta garaadka macmalka ah ee xeesha dheer (superintelligence) ay "hadda muuqato oo la arki karo si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah khubarada ayaa sheegay in hadalka la xidhiidha ASI (Artificial Superintelligence) uu yahay mid ka tarjumaya tartanka u dhexeeya shirkadaha teknoolojiyadda ee sanadkan oo keliya ku bixiyay boqolaal bilyan oo doollar horumarinta AI, halkii uu ka ahaa horumar dhab ah oo la gaaray dhanka farsamada 

Post a Comment

0 Comments