Waxaa saaka waaberigii dagaal culus uu ka dhacay
Waxaa saaka waaberigii dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka, kuwa Koofur Galbeed, iyo Al-Shabaab dagaalka ayaa ka bilowday weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku lahaayeen banaanka magaalada
Balse ciidamada huwanta ah ayaa sheegay
Balse ciidamada huwanta ah ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka, islamarkaana ku qasbeen kooxda in ay dib u gurtaan Goobjoogayaal ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku socday muddo saacado ah, isla markaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo gaaray dhinacyada dagaallamayay iyo sidoo kale dad rayid ah oo ku sugnaa meelaha u dhow goobta lagu diriray
Waxaa dagaalkaas ku dhintay Taliye ku xigeenkii
Waxaa dagaalkaas ku dhintay Taliye ku xigeenkii ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed ee Buurhakaba, Kabtan Aadan Kaarabiin, Geerida taliyaha ayaa si weyn uga nixiyay saraakiisha iyo shacabka deegaanka, iyadoo ehelkiisu ay xaqiijiyeen in meydkiisa loo qaaday isbitaalka magaalada
Isbitaalka guud ee Buurhakaba ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ay ka mid yihiin askar iyo dad rayid ah, iyadoo xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah dhaawacyada lagu sheegay mid culus xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo laga dareemayo cabsi iyo feejignaan, iyadoo dad badan ay ka barakaceen xaafadaha ku dhow saldhigyadii la weeraray
Ciidamada ammaanka ayaa wali howlgallo ka wada gudaha iyo duleedka Buurhakaba illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed ama dowladda federaalka oo si faahfaahsan uga hadlay dhacdadan, balse saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay "ka adkaadeen" kooxdii weerarka soo qaaday
3 Comments
Kooxdaan waa in la soo afjaraa
ReplyDeleteDaacish iyo alshabab waa in la soo afjaraa si dalka nabad u noqdo
ReplyDeleteciidanka xooga dalka guuleysta marwalba
ReplyDelete