Saamaynta canshuurahan ku yeelan doonaan
Saamaynta canshuurahan ku yeelan doonaan dhaqaalaha adduunka ayaa noqon doona mid aad u weyn waxaa lagu cabiri karaa arrintaan jaantuska ku qoran shaxda dakhliga canshuuraha Maraykanka oo u boodaya heerar aan la arkin muddo qarni ah – oo ah kuwa ka baxsan kuwii la arkay intii lagu jiray mudadii loo yaqaanay ilaalinta sare ee 1930-meeyadii waxa ay sidoo kale sababeen hoos u dhac habeen gudihii ku yimaada suuqyada saamiyada, gaar ahaan kuwa Aasiya
Laakiin qiyasaadka isbeddelladani waxay noqon doonaan
Laakiin qiyasaadka isbeddelladani waxay noqon doonaan kuwa si dhab ah u yimaada oo saameeya waddooyinka caalamiga ah ee ganacsiga Sida caadiga ah, tani waa canshuur caalami ah oo gaarsiisan 10% taas oo dul saaran dhammaan alaabada loo soo dhoofiyo Maraykanka taas oo dhaqan galaysa habeenka Jimcaha. Intaa waxaa dheer daraasiin "dambiilayaasha ugu xunxun ah" oo lagu soo rogi doono canshuuro ciqaab ah maadaama ay soo dhoofiyaan badeecooyin ka badan kuwa loo dhoofiyo dalalkooda
Canshuruaha lagu soo rogay wadamada Aasiya
Canshuruaha lagu soo rogay wadamada Aasiya runtii waa kuwo cajiib ah. Waxay jebin doonaan nidaamyada ganacsi ee kumanaan shirkadood, warshado, iyo xitaa sida suuragalka ah quruumo dhan Qaar ka mid ah nidaamyada wax daabulo ee ay abuuraan shirkadaha waaweyn ee adduunka ayaa isla markaaba hakan doona. Saamaynta lama huraanka ah ayaa hubaal ah inay ku riixi doonto Shiinaha
Kani ma wada xaajood weyn baa? Hagaag maamulka Maraykanku wuxuu u muuqdaa inuu dalbanayo dakhliga canshuuraha ee la saaro badeecooyinka la soo dhoofito, si uu u fuliyo qorshahiisa canshuur dhimista. Baaxadda dib u habayn degdeg ah oo la sameeyo waxay u egtahay mid xadidan. Balse sida mid ka mid ah saraakiisha Aqalka Cad uu si bareer ah u yiri: "Tani ma ahan gorgortan mid laga galayo, ee waa xaalad degdeg ah oo qaran
Ujeedada siyaasadda Teump ayaa ah in la helo hoos u dhaca ku yimaada badeecadda loo soo dhoofiyo Maraykanka heer ay ka gaarto "eber tani waxay wax wayn ka badali doontaa dhaqaalaha adduunka laakiin in isbadalo rasmi ah ay dhacaan oo ay warshaduhu qorshooyin cusub la yimaadaaan ayaa waxay qaadan doontaa sanado. Canshuuraha culus ee lagu soo rogay Bariga Aasiya ee gaaraya 30 ama 40% waxay si dhakhso ah u kordhin doonaan qiimaha dharka, alaabta lagu ciyaaro iyo elektiroonigga
Su'aashu hadda waxay tahay sida dunida kale uga jawaabto waxaa jira fursado qaar ka mid ah macaamiisha Yurub ay uga faa'iideysan karaan arrintaan maadaama badeecooyinku ay toos ugu imaan doonaan. Dharka iyo elektiroonigga ayaa ugu imaan doona qiimo jaban. Marka laga yimaado Maraykanka oo ka fikiraya gudaha dalkiisa oo kaliya, wadamada kale ee waawayn ayaa haysta fursad ay iyagu diiradda ku saaraan ganacsiga ay wadaagi karaan in ay xiriirkooda xoojiyaan
0 Comments