Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin gaareysa illaa $10 milyan oo dollar iyo dib-u-dejin, taas oo la siin doono qofkii keena xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxda Daacish ee Soomaaliya mareykanka ayaa sheegay in ISIS-ta Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah laamaha ugu muhiimsan ee ISIS ku leeyahay qaaradda Afrika
Isla markaana ay ka mid tahay ilaha ugu waaweyn
Isla markaana ay ka mid tahay ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha soo geliya shabakadda caalamiga ah ee ISIS Warbixin lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda Maraykanka ee wasaaraddda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay, in kooxdan ay dhaqaalaha ku hesha habab kala duwan
Kuwaas oo ay ku jiraan canshuur qaadis iyo baad
Kuwaas oo ay ku jiraan canshuur qaadis iyo baad lagu hayo dadka deegaanka, ganacsatada iyo beeraleyda, taas oo si weyn saameyn ugu yeelata nolosha bulshada sidoo kale, dhaqaale ayaa kooxdu ku heshaa lacag dhaqid, afduub madax furasho lagu dalbado, iyo ka ganacsiga hubka, iyadoo falalkan sharci darrada ahi ay qayb weyn ka yihiin maalgelinta hawlgalladooda
Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu sheegay in falalka Burcad-badeednimo iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, fududeynta socdaalka iyo safarada, iyo wareejinta lacagaha caddaanka ah, lacagaha moobilka iyo kuwa loo adeegsado kiribtokaaransi (cryptocurrency), in ay yihiin ilaha dhaqaale ee ISIS-ta Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday shacabka in ay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ISIS-ta Soomaaliya, iyadoo qof kasta oo keena xog muhiim ah uu xaq u yeelan doono abaal-marin lacageed iyo fursad dib-u-dejin ah
3 Comments
Daacish waa in dalka laga qabtaa
ReplyDeletemaamulka putland waa in laga xoreeya
ReplyDeleteDaacishta somalia waa in laga ciribtiraa
ReplyDelete