Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh

Faa’idooyinka caafimaad

Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa

 Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.

Taariikhda sanjabiisha

Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada

Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore

Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda

Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar

Daraasado dhowr ah ayaa lagu sameeyay faa'iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka hortagga cayilka dib-u-eegis ayaa sidoo kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka thermogenesis ee ( kulaylka jirka).

Cilmi baarisyo badan ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa'iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka


Post a Comment

0 Comments