Xilliga kulaylaha oo dhan Hindiya, mid ka mid ah
Xilliga kulaylaha oo dhan Hindiya, mid ka mid ah su'aalaha ugu badan ee hogaamiye ku takhasusay cudurka macaanka ee Mumbai uu ka maqlo bukaannadiisa waa: "Miyaan cuni karaa canbaha? cambaha, oo uu ku badanyahay macaanka iyo noocyadiisa kala duwan ayaa ah mid muhiim ka ah xilliga xagaaga Hindiya, waana mid la fahmi karo sababta ay dadku u rabaan inay ku raaxaystaan cunistiisa," ayuu yiri Rahul Baxi
Si kastaba ha ahaatee, su'aashan fudud
Si kastaba ha ahaatee, su'aashan fudud, ayuu sheegayaa in ay ku timid fikrado khaldan - oo u dhexeeya aaminsanaanta in cambaha si adag looga fogaado, iyadoo dadka kasoo hor jeeda ay la tahay in cunista xad-dhaafka ah ee camabaha "ay u darnatahay cudurka macaanka xaqiiqdu waxay ku taal meel u dhaxaysa labadaas, laakiin jahwareerka arinkaasi ma ah mid ku eg xilliga. "Xaqiiqdii, bukaanno badan ayaa ku soo noqda booqashooyinka la-socodka ka dib xilliga-cambaha kaas oo badanaa leh heerarka gulukooska oo sarreeya, mararka qaarkood, sababta waxa laga yaabaa in si xad dhaaf loo dareemo mirahan la jecel yahay," ayuu yiri Dr Baxi
Jahwareerkan joogtada ah ayaa dad badan oo qaba
Jahwareerkan joogtada ah ayaa dad badan oo qaba cudurka macaanka ku reebay in ay ka digtoonaadaan "boqorka miraha hase yeeshe, cilmi-baaris cusub ayaa soo jeedinaysa in canbaha laga yaabo in uusan ahayn mid xun sida mararka qaarkood loo maleeyo Laba tijaabo oo caafimaad oo Hindi ah oo cusub ayaa wax ka bedelay xigmadda cunista cuntada , taas oo soo jeedinaysa in isticmaalka cambaha oo la xakameeyo, halkii karbohaydrayt (qaabka rootiga) ay dhab ahaantii hagaajin karto sonkorta dhiigga iyo caafimaadka dheef-shiid ka, waxyabaaha kiimikada ah ee dadka qaba nooca 2aad ee cudruka macaanka
Nooca 1-aad ee xanuunka macaanku waxa uu yimaadaa marka ganaca uu soo saaro insuliin yar ama ay insuliinta uu soo saari waayo, halka nooca 2-aad, jirku uu u adkaysto saamaynta insulinta nooca 2-aad ee xanuunka macaanku waxa uu ka yahay in ka badan 90% kiisaska caalamka, sida ay qabto hay'adda International Diabetes Federation (IDF). Waana sababta sideedaad ee ugu horraysa ee keenta cudurrada culus ee adduunka oo dhan, waxana la saadaalinayaa in ay kaalinta labaad geli doonto sanadka 2050 in kasta oo aan si buuxda loo fahmin, waxa ay si xooggan ugu xiran tahay miisaanka xad-dhaafka ah, da'da, qowmiyaddaha iyo taariikhda qoyska
Hindiya, qiyaastii 77 milyan oo qaangaar ah ayaa qaba nooca 2-aad ee cudurka macaanka, halka ku dhawaad 25 milyan ay qabaan cudurka macaanka iayagoo halis sare ugu jira inay ku dhacaan cudurka, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka Daraasad tijaabo ah oo dhawaan kasoo muuqan doonta Joornaalka Yurub ee Nafaqada Caafimaadka oo ay ku qeeybgaleen 95 qof ayaa waxa ay ku ogaadeen in saddex nooc oo canbaha caanka ah ee Hindiya - Safeda, Dasheri iyo Langra - ay soo saareen maadada glycemic oo la mid ah ama ka hooseeya rootiga cad, heer ah ilaa laba saacadood oo tijaabo gulukoos ah. (Jawaabta glycemic waa sida ugu dhakhsaha badan iyo inta ay cuntadu kor u qaaddo heerka sokorowaga dhiigga ka dib markaad cunto.)
La socodka joogtada ah ee gulukooska ee dadka qaba nooca 2aad ee macaanka iyo kuwa aan la qabin in ka badan seddex maalmood ayaa lagu ogaaday in, ka qaybgalayaasha qaba xanuunka macaanka isbeddellada sonkorta cuntada ka dib ay aad u yaraayeen ka dib cunista cambaha. Maadada glycemic oo hooseysa waxay faa'iido u yeelan kartaa jirka mustaqbalka fog, sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen cambabaha waa miro aad loo jecel yahay oo ay ku badantahay gulukooska suurtogalka ah iyo saamaynta kor u qaadista miisaanka," ayuu yiri Dr Sugandha Kehar, qoraaga koowaad ee labada daraasadood
Daraasadahani waxay muujinayaan cuntooyinka koontaroolan ee loo qoray, in isticmaalka canbaha aysan waxyeello u lahayn gulukooska dhiigga oo xitaa laga yaabo inay faa'iido u yeeshaan
0 Comments