Puntland oo walaac weyn ka muujisay dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee Alshabaab

Puntland

Puntland ayaa cambaareysay weerarkii kooxda Al-Shabaab

 Puntland ayaa cambaareysay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay shalay kula wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa  tacsi  loogu diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, gaar ahaan saraakiisha iyo ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku naf waayey dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab

Sidoo kale, Puntland waxay ammaan u jeedisay

Sidoo kale, Puntland waxay ammaan u jeedisay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleeyda, kuwaas oo muujiyey difaac geesinimo leh, iyagoo u taagan ilaalinta shacabka Puntland ayaa sidoo kale walaac weyn ka muujisay dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee Al-Shabaab, oo isku dayeysa inay dib u qabsato deegaanadii horay looga xoreeyey iyo kuwa cusub oo muhiim ah

Waxay sheegtay in loo baahan yahay

Waxay sheegtay in loo baahan yahay iskaashi dhab ah oo u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si loo helo qorshe mideysan oo lagu wajaho halista Al-Shabaab, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu sifeynayo dalka

Puntland waxay ugu dambayn ugu baaqday beesha caalamka inay taageero muuqata siiso dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments