Xiddiga reer Brazil ee Endrick ayaa ku jira liiska
Xiddiga reer Brazil ee Endrick ayaa ku jira liiska musharixiinta u sharaxan in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan Endrick ayaan haysan fursad badan oo uu ku ciyaaro xilli ciyaareedka cusub, marka loo eego xiddigaha badan ee weerarka ee kooxda tababare Xabi Alonso
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Espana
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Espana, Carlo Ancelotti, tababarihii hore ee Real Madrid, haatana ah tababaraha xulka qaranka Brazil, ayaa ka fikiraya Endrick inuu ka qayb galo Koobka Adduunka 2026.
Sida laga soo xigtay ESPN, Ancotti ayaa xiddiga Endrick
Sida laga soo xigtay ESPN, Ancotti ayaa xiddiga Endrick u sheegay in uu joogto ugu ciyaaro kooxdiisa hadii uu doonayo in uu ka qayb ahaado koobka adduunka sanadka dambe
Waxaana hubaal ah in fursada uu Endrick si joogto ah uga qayb qaadan karo Real Madrid inta lagu jiro xilli ciyaareedka cusub ay aad u yar tahay iyada oo ay joogaan ciyaartoy khibrad badan leh sida Mbappe iyo Vinicius
0 Comments