Xildhibaan Hore Maxamed Cumar Dalxa Oo Lagu xayiray Garoonka Nairobi

Maxamed Cumar Dalxa

Xildhibaan hore iyo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad

 Xildhibaan hore iyo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cumar Dalxa, ayaa muddo saddex saacadood ah lagu xayiray garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya Sida ay sheegtay Shabelle TV

Dalxa ayaa waxaa loo xayiray safarkiisa kaddib

Dalxa ayaa waxaa loo xayiray safarkiisa kaddib markii lala xiriiriyay doorkiisii hore ee difaaca mowqifka Soomaaliya ee ku aaddanaa muranka xuduudda badda ee kala dhaxeeya Kenya, intii uu ka shaqaynayay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, ayaa si deg-deg ah u farageliyay arrinta, isagoo la hadlay mas’uuliyiinta socdaalka ee Kenya, si loo sii daayo Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa, Ugu dambeyn, Dalxa ayaa xorriyaddiisa dib u helay kaddib wadahadallo kulul oo dhex maray labada dhinac

Maxamed Cumar Dalxa ayaa si weyn loogu yaqaannaa siyaasi ruug-caddaa ah oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha dalka, islamarkaana door weyn ka qaatay midnimada ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Kenya iyo Safaaradda Soomaaliya ayaan midkood wali si faah faahsan uga hadlin dhacdadaan maanta ku qabsatay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi

Post a Comment

0 Comments