Qamadiga ayaa la isku raacsan yahay iney tahay
Qamadiga ayaa la isku raacsan yahay iney tahay Cuntooyinka Caafimaad ahaan ugu Wanaagsan, isla markaana Isticmaalkoodu uu Aadamnaha u Horseedo iney ku naaloodaan ka Badbaadida Xanuuno badan oo Halis oo ay keenaan Cuntooyinka kale ee intooda badan Warshadeysan Qamadiga ayaa ah badarka ugu badan, kaas oo ka yimaada nooca cawska loo yaqaano (Triticum). Waa il tamar oo aad u weyn wuxuu ka soo jeedaa asal ahaan Koonfurta galbeed ee qaaradda Aasiya
Laakiin hadda dalagga beeraha qamadiga
Laakiin hadda dalagga beeraha qamadiga waxaa uu ka mid yahay kuwo ugu sarreeya oo laga beero dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin. Sida caadiga ah, beeridda qamadiga waxaa lagu sameeyaa dhul beereedka sare Qamadiga waxaa laga sameeyaa dhammaan noocyada kala duwan ee cuntada ugu badan oo la isticmaalo sida maalinlaha
Qamadiga aan la sifeyn waxaa ku jira karbohaydraytyo
Qamadiga aan la sifeyn waxaa ku jira karbohaydraytyo isku dhafan, fiber cunto, iyo qaddar dhexdhexaad ah oo borotiinno ah. Sida laga soo xigtay USDA National Nutrient Database, sarreenka soo baxay wuxuu hodan ku yahay walxaha kataltikada, cusbada macdanta, kalsiyum, magnesium, potassium, koloriin, arsenic, silicon, manganese, zinc, iodine, copper, vitamin B, iyo vitamin E. Qamadiga waxaa ku badan antioxidantska, gaar ahaan maaddada carotenoids sida beta-carotene
Waxa la ogyahay in Qamadiga uu yahay isha ugu weyn ee fitamiin B ee dhismayaasha cuntada adduunka oo dhan, waxaana ku jira fiitamiinno sida thiamin, folic acid, vitamin B6, iyo macdanta sida manganese, magnesium, iyo zinc. Iyadoo islamarkaasina ay Saliidda qamadiga ay hagaajiso xoogga, sidoo kale waxayn kordhisaa cimriga
0 Comments