Markabkii Sahminta Shidaal ka sameeyay Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Markabkii Sahminta

Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga

 Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay in uu dib ugu laabto dalka Turkiga, kadib markii uu baaritaan shidaal ka sameeyay xeebaha Soomaaliya, Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalkooda kadib markii ay soo dhameysteen howlahooda shaqo ee Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta caalamka

5-kii June, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya 

15-kii June, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sagootiyay markabkan oo ka soo ambabaxayay xeebaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Oruc Reis ayaa sahamin ka sameysay saddex goobood oo ku teedsan xeebaha Soomaaliya, kaasoo lagu qiyaasay bedka 4,000 oo kiiloomitir laba jibaaran

Howgalkan sahaminta ah ayaa qeyb ka ah

Howgalkan sahaminta ah ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsanaa sidii la isaga kaashan lahaa soo saarista shidaalka, Xogta la ururiyay intii lagu jiray sahankan ayaa la filayaa in la lafaguro lana fasiro toddobaadyada soo socda

Hal ilaa labada bilood ee soo socota ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee sahankan, iyadoo rajo weyn laga qabo in goobaha la ogaaday uu ku jiro kayd shidaal oo aad u badan, Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya in la helo shidaal, kaasoo horseedi kara shaqo abuur iyo in si hufan looga faa’ideysto kheyraadka dalka

Hindisaha sahaminta ayaa la sheegay in uu ka tarjumayo iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta kheyraadka soo laabashada Oruc Reis ee guusha leh ayaa la sheegay inay astaan u tahay horumar la taaban karo oo laga gaaray raadinta shidaalka Soomaaliya

Sida la filayo, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa rajo ka qaba in dadaalkani uu u horseedi doono qaranka faa’iidooyin la taaban karo, oo u gogol xaaraya mustaqbal barwaaqo ah

Post a Comment

0 Comments