Ciidamada Kumaandooska Danab ee xooga dalka
Ciidamada Kumaandooska Danab ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Hoose ku dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab iyo ilaaladiisii horjoogahan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir ayaa isaga iyo ilaaladiisa oo gaarayay ilaa sideed xubnood lagu dilay goob ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku taalada nawaaxiga deegaanka Bariire
Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga
Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.
Horjooge Jaabir ayaa la tilmaamay inuu ahaa
Horjooge Jaabir ayaa la tilmaamay inuu ahaa madaxii miinooyinka ee kooxda u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dilkiisa lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Howlgalka lagu khaarajiyay horjoogahaan iyo ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu burburiyay xarumo iyo godad ay gambaad ka dhiganayeen oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarada ay ka geystaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose
0 Comments