Fikrad ganacsi oo ay soo jeedisay haweeney da’ ah oo guuleystay

Fikrad ganacsi

Fikir Ganacsi oo haweeney 81 jir ah

 Fikir Ganacsi oo haweeney 81 jir ah ay si aan ku talo gal ahayn ay laba dhalinyaro la wadaagtay ayaa noqday mid najaxay haweeneyda fikirka ganacsi uu ka soo maaxday oo lagu magacaabo Radha Rani Dubey waxay ahayd haweeney uu soo ritay cudurka Covid-19 xilligi uu dalka Hindiya faraha ba’an ku hayey xilliagaasi oo ganacsiyo badan oo horay u jiray ay burburin qaar badanna la xiray

Radha inti ay cudurka la xanuunsaneyd oo 10 maalmood

Radha inti ay cudurka la xanuunsaneyd oo 10 maalmood ay isbitaalka ku jirta waxay u kuur gashay dadka ugu badan ee uu cudurka soo rito oo iyada la midka iney cudurka ugu nuglaadeen cuntooyin isku dheelli tiran oo ay dadku isticmaalin laba wiil oo hal abuur ganacsi oo ku habboon cudurka safmarka inta uu daka Hindiya uu ka socday ayaa la tashaday ayeedood bal ganacsiga ay isleedahay haddii la sameeyo wuxuu noqon kara amid guuleystay

Labada wiil ee ay Radha ayeeyada u tahay

Labada wiil ee ay Radha ayeeyada u tahay oo lagu magacaabo Supatra Upadhyay iyo Hariom Yadav oo labaduba injineernimada bartay ayeeydood waxay u soo jeedisay fikirkan ganacsi anigu waxay ila tahay haddii aad sameysaan shirkad dadka ay ka heleen cuntooyinka isku dheelli tiran oo diyaar qiima jabanna ay dadku ku heli karaan qofkastana aad gurigiisa ugu geysaan gaar ahaan inta uu socdo cudurka safmarka waxay ila tahay fikirkasi ganacsi inuu mudda gaaban aad guul ka gaareysaaan,” ayey tiri Radha Rani Dubey

Dhalinyaradi waxay ku dhaqaaqeen fikirki ganacsi oo ay ayeeydood Radha la wadaagtay maadaama ay suuqa Hindiya markaasi ka jirin shirkad si gaar ah uga shaqeyso cuntooyinka isku dheellitiran oo ay dadku si fudud ku heli karaan waxyana sameeyeen shirkad ay ugu magac dareen ‘Root waxayna billaabeen cuntooyin isku dheelli tiran oo sajal ah iney diyaariyaan kaddibna dalka Hindiya oo dhan ay gaarsiiyaan iyaga oo xaruuntooda ganacsi oo ugu weyn ka furay magaalada Indore oo lagu tilmaamo iney tahay magaalada ugu nadiifsan dalka Hindiya

Labada Injineer muddo sanad ah waxay safarro ku tageen 16-ka gobol uu dalka Hindiya ka kooban yahay 90 magaalo oo ku yaalla waxayna billaabeen iney suuqa geeyaan in ka badan 150 nooc oo cuntooyinka nafaqeysay oo machadka cunnada Hindiya uu shahaada aqoonsi siiyeey iney caafimaadka dadka u wanaagsan yihiin cunnooyinkaasi oo ka kooban miraha noocyadooda kala duwan, khudaarta la qallajiyey, xawaaj, galleyda, sarreynta, digirta, sabiibka, basaabska madow, saliidda geedaha timirta, loowska iyo sisinta

Dhalinyarada hal abuurkan ganacsi sameeyey waxay heshiisyo la galeen beeraleyda waxsoosaarka ay ganacsigooda ugu baahan yahay soo saarta oo daafaha dalka Hindiya ku nool shirkadda ay labada injineer sameeyeen inti u dhaxeysay 2019-20 ujeedkiisu wuxuu ahaa iney wax ka baddalaan hab nololeedka bulshada

Xilliga Koraonaha oo ay labada Injineer shirkaddu ku aasaaseen dakhli dhan $5,000 oo doolar, iyaga oo maalgashigooda sii balladhiyey waxay gaarsiiyeen ilaa iyo $40,000 oo doolar bil walbana dakhli ahaan waxaa shirkadda so gala celcelis ahaan $10-$15 kun oo doolar oo faa’ido ah labadannadaba waxaan haysannaa shahaada jaamacadeed oo injineernima ah balse ma dooneyno inaan qof shaqaale u noqonno. Waxaan dooneynaa inaan bulshada wax ku soo kordhinno noloshanadana kaafinno,” ayuu yiri Hariom Yadav

Shirkadda ‘Root’, uu fikirkeeda ka soo maaxday haweeney 81-jir ah waxay hadda noqotay mid caan ka ah dalka Hindiya waxayna aasaasyaashu sheegeen iney rajeeynayaan dakhligooda inuu muddo gaaban u uku gaaro malaayiin dool

Post a Comment

0 Comments