Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Uganda oo booqasho ku tagay saldhigyada Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidamada ee Uganda

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda

 Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda General Kayanja Muhanga ayaa dhawaan booqasho uu ku yimid Soomaaliya ku booqday saldhigyada ciidamada Uganda ee Shabeellaha Hoose si uu ugu kuur galo xaalada jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan deegaanada Sabiid iyo Caanoole booqashadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay socdaan dadaallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo sidii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa howlgallada ay wadaan

Jeneraal Muhanga ayaa intii uu ku guda jiray

Jeneraal Muhanga ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laga wado, waxaana uu bogaadiyay dagaalka ay Ciidamadiisa kula jiraan Al shabaab waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya degaanka Sabiid iyo Canoole oo ah goob istiraatijiyadeed oo ay Kooxda Al shabaab weeraro kasoo abaabuli jireen

Ciidamada Uganda ayaa la kulmay caqabado waaweyn

Ciidamada Uganda ayaa la kulmay caqabado waaweyn, iyadoo la sheegay in 7 askari looga dilay dagaal xooggan oo dhawaan ka dhacay agagaarka Sabiid iyo Caanoole khasaarahan soo gaaray ayaa la sheegay in uu muujinayo qatarta ay la kulmayaan ciidamada ku jira howlgallada la dagaalanka Kooxaha Argagexisada

General Muhanga ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada Uganda, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaalada lagu xasilinayo gobolada laga saaray Al shabaab, Hadalkiisa ayaa la sheegay inuu ka tarjumayo sida ay uga go’an tahay in la ilaaliyo guulihii adkaa ee la gaaray iyo in la soo celiyo amniga si bulshada ula kulmin dhibaato

Uganda waxa ay si firfircoon uga qaybqaadatay hawlgallada milatari ee Soomaaliya tan iyo 2007, iyada oo door muhiim ah ka ciyaartay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, Wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay muujineyso muhiimadda iskaashiga gobolka ee wax ka qabashada caqabadaha amni ee Geeska Afrika

Post a Comment

0 Comments