Madueke Oo Sharaxay Qaabka Uu Arsenal Uga Caawinayo Ku Guulaysiga Koobab

Madueke

Noni Madueke waxa uu aaminsan yahay

 Noni Madueke waxa uu aaminsan yahay in uu gacan ka geysan karo soo afjarida abaarta koobabka ee Arsenal isaga oo labada garab uga ciyaari Kara Arsenal Madueke ayaa Arsenal uga soo biiray Chelsea kadib markii ay Gunners ogolaatay heshiis ku kacaya 48 milyan oo euro ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa qandaraas shan sano ah u saxiixay Arsenal

Waxaana uu ku biiri doonaa kooxda ka dib

Waxaana uu ku biiri doonaa kooxda ka dib safarkooda xilli ciyaareedka cusub ee Asia Madueke ayaa u soo ciyaaray kooxda chelsea koobkii kooxaha adduunka ee ka dhacay dalka Maraykanka horaantii xagaagan waxana uu ku maqan yahay fasax dheeri ah ka hor bilaabashada xilli cigaareedka cusub

Waxaan dareemayaa sida qof kasta oo halkan jooga

arka uu soo laabto, 23-sano jirku wuxuu bilaabi doonaa inuu u dagaalamo boos ka mid ah kooxda Mikel Arteta, wuxuuna diyaar u yahay inuu sidaas sameeyo labada garab.

Waxaan dareemayaa sida qof kasta oo halkan jooga, dhammaan ciyaartoyda halkan jooga ee kooxda ayaa ah ciyaartoy Premier League ah oo iyaga u gaar ah, waxaana jeclaan lahaa inaan sheego inaan ahay sidoo kale,” ayuu yidhi Madueke.

“Waxaan isku dayaa inaan halis ka abuuro labada garab ee weerarka dabcan, way ka duwan tahay markaan ka ciyaaro bidixda ama markaan ka ciyaaro midig, laakiin dhab ahaantii dhib iguma aha meesha aan ka ciyaaro”.

“Halka Arin ee aan marka aan kubada helo ka fikiro waa in aan ku ordo daafaca si aan u dhaafo una abuuro halis taasna waa awoodayda”.

Madueke ayaa ka caawiyay Chelsea inay ku guulaysato Europa Conference League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu u hanqal taagayaa inuu koobab badan ku qaato Arsenal Gunners ayaa ku guuleysatay FA Cup Arteta sanadkii 2020, laakiin wixii markaas ka dambeeyay waxa ay qaadeen kaliya labo Community Shield.

Markii la cadaadiyay ujeedooyinkiisa ololaha soo socda, Madueke ayaa u sheegay website-ka Arsenal: “Si aan ugu guuleysto dhammaan tartamada aan ku jirno, waxaan dareemayaa inaan xaqiiqdii awood u leenahay inaan taas sameyno, iyo sidoo kale inaan ka caawiyo kooxda si kasta oo aan awoodo oo aan u koro ciyaaryahan ahaan, laakiin sidoo kale shaqsi ahaan

Post a Comment

3 Comments