Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday Madaxweynaha Puntland inuu joojiyo hurinta colaada Degmada Dahar

Dowladda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay Madaxweynaha Puntland inuu joojiyo tallaabooyinka sii hurinaya colaadda, isla markaana uu dib u celiyo ciidamada la geeyay Dhahar ee horey uga yimid Qardho, kuwaas oo markii hore loogu talagalay la dagaallanka kooxaha argagixisada balse hadda loo adeegsaday dano kale oo colaadeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga tacsiyaysay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid murugo leh, isla markaana ay dowladda aad uga xuntahay khasaaraha dhacay

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay, waxaana Alle looga baryay caafimaad buuxa dadka dhaawacmay wasaaradda waxay si cad ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan dagaalka, halka bulshada deegaanka loogu baaqay in ay nabadda ilaashadaan oo ay ka shaqeeyaan xasilloonida

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu yeertay isimada dhaqanka, culimada iyo waxgaradka in ay degdeg u dhexgalaan oo ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo xallin lahaa loogana hortagi lahaa in colaaddu sii socoto

Post a Comment

0 Comments