Ninkii tuugsan jiray ee hadda da' yarta bara sida lacag loo sameeyo.

Bashir Cabdillaahi

Qaar ka mida dadka naafada ah 

 Qaar ka mida dadka naafada ah ama qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxay u tahay waddo ay ku raadsadaaan shaqooyin taasoo qaarkood u noqoto caado, iyagoo xaaladdooda u baddela qaab ay sida ugu sahlan lacag ugu heli karaan iyagoo wax dhiba marin laakiin Malam Bashiir Cabdullaahi, oo ah curyaan, wuxuu qabaa in tuugsashada ama dawarsiga ay tahay wax aad u hooseeeyo oo dila qalbiga

Waana sababta uu u doortay inuu dul fariisto

Waana sababta uu u doortay inuu dul fariisto qiiqa iyo kulaylka ka soo baxaya mishiinka alxanka siu u helo wax uu quuto halkii uu ka doorbidi lahaa inuu dadka baryo si ay wax u siiyaan xaafadda Kawo ee magaalada Kaduna, Bashiir Gurgu, oo ah alxamiiste, waa magac caan ah oo dadku uga yimaadaan meelo fog-fog si ay ugu shaqeeyaan, waxaana uu sheegay inay u badan tahay in sababtu tahay dadka oo arkay go'aankiisa ku aaddan isku-filnaanshaha iyo sida uu uga go'an yahay caawinta dhalinyarada kale

Isaga ahaan, "tuugsi waa xirfad maaha

Isaga ahaan, "tuugsi waa xirfad maaha," taas ayaana sababtay inuu doorto inuu ka barto alxanka xarun tababar farsamo oo loogu talagalay dadka naafada ah oo ku taal Abuja, kadibna uu dib ugu laabtay Kaduna si uu ula dagaallamo tuugsiga Dukaanka Bashiir waxaa mar walba buux dhaafiya dad isugu jira shaqaale iyo kuwo tababarba – kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhiiradaan in uu sii wado waxa uu damacsan yahay in uu sameeyo isaga oo aan daalin

Malam Bashiir Cabdullaahi waxa uu ku dhashay Gobolka Kaduna, balse markii dambe waxa uu u guuray caasimadda Abuja, si uu nolol maalmeedkiisa uga raadsado oo uu u helo nolol uu qoyskiisa ku quudiyo si kastaba ha ahaatee, Naafada iyo shaqo la'aanta ayaa keentay in Bashiir uu ka mid noqdo dadka dawarsada waddooyinka Abuja, taasoo uu sheegay in markii hore uu aad ugu riyaaqay maadaama uu dhaqaale badan ka heli jiray, isla markaana uu xitaa u haystay inay tahay habka ugu fudud ee uu naftiisa iyo qoyskiisa ku maareyn karo

Si kastaba ha ahaatee, in muddo ah ka dib, Malam Bashiir wuxuu xaqiiqsaday in tuugsigu uusan ku habooneyn isaga, taas oo keentay inuu bilaabo inuu raadiyo hab uu u maleynayo inuu ku faraxsan yahay aniga kuma dhalan naafonimada, balse waxaan maqlay markii aan yaraa in aan xanuunsaday, taas ayaana keentay in aan sidan noqdo" ayuu yiri Bashiir oo sheegay in hadda da'diisa u dhaxayso 45 ilaa 50 sano jir

Wuxuu sheegay inuu ku jiray safar tuugsi ah magaalada Abuja xilligii Nasir El-Rufai uu ahaa wasiir, ka dibna waaa la aruuriyey loona qaaday xarumaha dadka naafada ah si loo baro xirfado gaar ah kaas oo qayb ka aha qorshaha dowladda ee la ka hortaga tuugsida ama dawasiga markii aan tagay, waxaan doortay inaan barto alxanka, halkaas oo aan wax ku baranayay muddo laba sano ah ilaa aan si fiican u bartay," ayuu yiri isagoo wax laxaamadayey

Kadib markii uu dhamaystay tababarkiisii, Bashiir waxa uu doortay in uu ku laabto gobolka Kaduna halkaas oo uu ka sii watay xirfadiisii alxanka laakiin halkii uu alxanka uun ka heli lahaa si uu nolol maalmeedkiisa u helo, waxa uu noqday tababare si uu tusaale ugu noqdo boqollaal dhallinyaro ah dhallinyarada waxaan baraa kuwa caafimaadka qaba iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, hadda qaar ganacsigoodii furay oo shaqeeya, qaarna waxay bilaabeen inay wax baraan," ayuu yidhi

Waxaan wax baraa dhalinyarada, kuwa caafimaadka qaba iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.hadda qaar ka mida ayaa furtay ganacsiyo ay iyagu leeyhiin kana shaqeeya , halka qaar ay bilaabeen barashada" ayuu yiri

Post a Comment

1 Comments