Man United Oo Badalka Onana U Dhaqaaqaysa

Man United

Kooxda Premier League, Manchester United

 Kooxda Premier League, Manchester United ayaa isku diyaarineysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa Goolhayaha kooxda Botafogo ee John Victor  si uu ugu bedelo goolhayaha dhaawacan, Andre Onana Red Devils ayaa durba wadahadalo la qaadatay goolhayaha Aston Villa Emi Martinez xagaagan

Waxaana xiddiga reer Argentina

Waxaana xiddiga reer Argentina uu doonayaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford laakiin kooxda Ruben Amorim ayaan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagta 40 milyan ee ay doonayso Aston Villa natiijo ahaan

Man United ayaa suuqa xagaaga ugu jirta

Man United ayaa suuqa xagaaga ugu jirta goolhaye cusub sababtoo ah Onana qaab ciyaareedkiisa aan joogtada ahayn tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray 2023 Inter Milan

Onana ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub sababtoo ah dhaawac muruqa ah oo uu dhawaan soo gaaray si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Goal Brazil, Man United ayaa hadda u sheegtay Botafogo inay diyaar u tahay inay bixiso lacagta 6 milyan ee lagu bur-burin Karo heshiiskiisa


Post a Comment

1 Comments