Waa maxay mustaqbalka kubadda cagta ee Ronaldo

Ronaldo

 Ka dib markii uu faafiyey qoraal muran dhaliyey

Ka dib markii uu faafiyey qoraal muran dhaliyey oo uu soo dhigay baraha bulshada, waxaa muuqata in Cristiano Ronaldo uu qorsheynayo inuu ka tago kooxda Al-Nasr ee dalka Sucuudiga Ronaldo oo 40 jir ah ayaa ku biiray kooxda kubadda cagta ee Al-Nasr bishii Janaayo 2023 waxaana qandaraaskiisa kooxda uu dhacayaa bisha soo socota ronaldo aya u dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ciyaartii dhexmartay kooxdiisa Al Nasri iyo kooxda Al-Hilaal ee dalka Sucuudiga taasoo 3-2 kusoo dhamaatay ayna guuleystay kooxda Al-Hilaal goolkan ayaana ahaa kii 800aad ee u dhaliyo intii kubadda cagta kooxaha u ciyaaraayay

Kadib guuldarradaas, Ronaldo ayaa ku qoray barta X 

Kadib guuldarradaas, Ronaldo ayaa ku qoray barta X "Xilligani wuu dhammaaday. Sheekadu? Weli waa la qorayaa. Waad mahadsan tihiin dhammaantiin Toddobaadkii hore, Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa sheegay in laga yaabo in Cristiano Ronaldo uu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee Naadiyada, ka dib markii kooxda Al-Nasr ay ku guuldarreysatay inay u soo baxdo tartankaas Ronaldo wuu u ciyaari karaa mid ka mid ah kooxaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee Naadiyada," ayuu Infantino ka yidhi barnaamij ka baxay YouTube

Wadahadallo ayaa socda oo lala leeyahay kooxo dhowr ah

Wadahadallo ayaa socda oo lala leeyahay kooxo dhowr ah, markaa haddii ay jirto koox hadda eegaysa arrintan oo xiisaynaysa inay la saxiixato Ronaldo ayaa garanaya Koobka Adduunka ee Naadiyada oo lagu qabanayo Mareykanka xagaagan ayaa ah imtixaan adag oo horyaalla FIFA. Waa markii ugu horreysay ee tartanka ay ka qeyb galaan 32 kooxood si kastaba ha ahaatee, tigidhada ciyaaraha intooda badan wali lama iibin, oo waxaa ka mid ah ciyaarta furitaanka oo ay isku arkayaan Inter Miami oo uu u ciyaaro Lionel Messi iyo Al Ahly

Waxaa jira kooxo aad u yar oo caalamka ah oo awoodi kara inay in ay bixiyaan mushaarka Ronaldo. Wuxuu noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kubadda cagta markii uu laba sano ka hor ku biiray Al-Nasr. Warbixinno ayaa sheegaya in Ronaldo uu sannadkii qaato ku dhowaad 200 milyan oo Yuuro dabcan, waxaa sidoo kale suuragal ah in Ronaldo uu saxiixo qandaraas gaaban oo uu kooxdaas kula ciyaaro Koobka Adduunka ee Naadiyada, kadibna uu go'aan ka gaadho mustaqbalkiisa

Wargeyska reer Spain ee Marca ayaa toddobaadkii hore qoray in koox reer Brazil ah ay dalab u dirtay Ronaldo si ay ula saxiixato Kooxda Botafogo, oo ka mid ah kooxaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee Naadiyada, ayaa la sheegay inay la xidhiidhay weeraryahanka waxaad hadiyado sugtaa oo keliya marka Kirismaska la joogo, balse marka ay yimaadaan, lama diidi karo xiddig sidaas oo kale ah. Anigu waxba ma ogi, waxaan kaliya ka jawaabay su'aal," ayuu yidhi tababaraha kooxda, Renato Pavia

Laakiin sida aan horay u idhi, tababarayaashu mar walba waxay rabaan kuwa ugu fiican. Ronaldo waa mashiin goolal dhaliya xitaa da'dan hadda. Koox fursado badan abuurta ayuu si fiican ula shaqeyn karaa." Ayuu ku daray

Post a Comment

0 Comments