Technology‘du maanta waxay dunida ku keentay
Technology‘du maanta waxay dunida ku keentay is badal xoogan oo la taaban karo oo ku socda sida xawaaraha waqtiga oo kale waxaynu nahay binni’aadam oo wax kasta oo aduunka maanta ka dhacaya inaga ayaa u aabaa hadaba waxaynu abuurnay oo aynu ikhtiraacnay technologyad si aynu ugu badalno nolosheena sida ugu fiican laakiin technolgydu iyada ayaa maanta badasha nolosheena il bidhiqsi walba
Robot yadu waa bini’aadam lamoodka aynu rabno
Robot yadu waa bini’aadam lamoodka aynu rabno inaynu haatan aduunka furihiisa u dhiibno , oo waqti dhaw Robot yada ayaa maamuli doona dunidan, waxaana hawshaas hirgalin doonta technolgyda sii kobcaysa maalinba maalinta ka danbaysa. technologyadu waa ta maanta ku guulaysatay in la ikhtiraaco Robot yar oo jidhka bina’aadamka dhex gali karaaya,warbixin ama xogna kasoo diri kara isla jidhka dhexdiisa
Dhinaca ganacsiga hadaan ka eegno waxa la ikhtiraacay
Dhinaca ganacsiga hadaan ka eegno , waxa la ikhtiraacay Artificial intelligence cloud computing, machine learning ,predict analyzes iyo business intelligence tool taas oo dhawaan kor u qaadi doonta xidhiidhka ka dhaxayn doona technologda iyo bini’aadamka sida kawar haynta xaaladooda caafimaad technolgyadu waa hagaha nolosheena maanta caalamkan aynu ku nool nahay
Hadaba faa’ido iyo qasaaro labadaba way inoo leedahay technologydu. bal aynu is yara dul taagno faa’idooyinka iyo qasaaraha technologydu u leedahay nolosheena maanta iyo ta mustaqbalkaba Technoologiyadu waxay badashay habkii aynu waxbarashada u baran jirnay maynaan awoodi jirin inaynu xogaha la xidhiidha waxbarashadaada ama kuliyadaada aad si fudud ku hesho
maynaan awoodi jirin inaynu xogaheena meel fiican ku kaydsano , maynaan awoodi jirin inaynu cidhifka caalamka casharka yaala aynu si sahlan ku heli karno , iskuuladu iyo meelaha wax lagu barto marmarka qaar guryaheena iyo xafiisyadeena way ka fogaayeen imika waxaasi oo dhan waxaa fudaydisay technoligyada oo maanta adoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga ayaad kuliyadaad doonto
Si sahlan ku baran kartaa kana heli kartaa shahaadooyin heer caalami ah sida (degree ,master and short courses ) waxaana jira shabakadooyin fara badan oolaga barto waxbarshada hab online ah Maanta waxaynu haysanaa computer,internet,mobile,social media ,video conferencing tool iyo mobile Apps inoo sahlaya inaynu si fudud isku heli karno ama iskula xidhiidhi karno
Ma jirin waqtiyadii hore waanay adkayd si aad fariin degdega ku heshaa . technologydu waa ta fudaydisay inay farimaheenu si degdega ku gaadhaan meesha aynu rabno. waqtiyadii hore fariin inaad heshaayi waxay qaadan jirtay bilo ama sanado ama todobaadyo laakiin hada wax walbaaba il bidhiqsiyo gudahood ayay ku dhacayaan waxaanad diri kartaa ama laguu soo diri karaa fariin adoo adeegsanaaya Email, Facebook, mobile ,video calling iwm
Saamayn wayn ayay kuleedahay technolgydu caafimaadkeena mig togan iyo mid tabanba, maanta waxa farxadeena ama dhoola cadaynteena hogaamiya fariimaha aynu ka helayno socila media ha , aroor walba marka aynu kacno waxa ugu horeeya ee aynu qabanaa waa isticmaalka mobilka waynu ku dhafarnaa eegista iyo ka jawaabista social media ha taas oo saamayn xun kule caafimaad ahaan iyo maskax ahaan jidhkeena
Shaqooyinkeena iyo waxbarashadeena ayaynu kaga habsaanaa taasoo marmarka qaar dhacdaba inad gudan kari waydo waajibaadkaaga, waxaynu dayacnay ama ilownay daryeelkii qoyskeena ama ubadkeena oo inagoo la joogna ayaynu hadana ka maqanahay ,muuqaalo ama sawiro xun ayaynu ka daawanaa social media ha taasoo caafimaad daro ku ridi karta nolosheena
Masiirkeena nololeed waxa saamayn xun ku yeesha fariin adag oo kaaga timi qof aad social media ha aad iska barateen, waxa laga yaabaa inaad bilo stress ku hayo, waxa laga yaaba xabad sawira oo si qaldan kaaga baxay inuu noloshaada mustaqbalkeeda soo gabagabeeyo
3 Comments
Aduunku wuu hormaray markaan waxa lagu tartamayaa tiknologiyada casriga ah
ReplyDeleteAduunku wuu hormaray
ReplyDeleteTechnology‘du maanta waxay dunida ku keentay is badal xoogan oo la taaban karo oo ku socda sida xawaaraha waqtiga oo kale
ReplyDelete