Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay baaritaanno
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay baaritaanno lagu sameynayo qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee teknoolojiyadda adduunka oo ku saabsan dhaqamada sinnaan la’aanta shirkadda Meta ee leh Facebook, Instagram, whatsapp iyo qaar kale, iyo shirkadaha kale ee Apple, iyo Alphabet oo leh Google, ayaa la eegayaa jebinta suurtagalka ah ee Xeerka Suuqyada Dijitalka ah (DMA) ee la soo bandhigay sannadkii 2022
Haddii lagu helo in ay jabiyeen sharciyada,
Haddii lagu helo in ay jabiyeen sharciyada, shirkaduhu waxay wajihi karaan ganaaxyo waaweyn oo gaaraya ilaa 10% dakhligooda sanadlaha ah madaxa ka hortagga ee midowga Yurub Margrethe Vestager iyo madaxa warshadaha Thierry Breton ayaa ku dhawaaqay baaritaannada Isniintii (25-ka Maarso) Kaliya lix shirkadood ayaa ayaa hoos yimaada xeerka DMA, laakiin sidoo kale waa shirkadaha tignoolajiyada ugu weyn adduunka, waxayna kala yihiin: Alphabet, Apple, Meta, Amazon, Microsoft iyo ByteDance
Midkoodna shirkaduhu ma joogaan Yurub
Midkoodna shirkaduhu ma joogaan Yurub - shan ka mid ah waxay joogaan Maraykanka, halka ByteDance ay xarunteedu tahay Beijing saddex ka mid ah ayaa hadda wajahaya su'aalo laba toddobaad uun ka dib markii ay soo gudbiyeen warbixinadooda u hoggaansanaanta, kuwaas oo si taxadar leh loo soo ururin doono waxay ku soo beegantay saddex toddobaad ka dib markii Midowga Yurub uu Apple ku ganaaxay hal dhibic sided bilyan oo Yuuro (£1.8b) ka dib markii ay shirkaddu jabisay shuruucda tartanka ee ku saabsan baahinta muusigga
Dhanka kale, Mareykanka ayaa ku eedeeyay shirkadda Apple in ay keligeed maamusho suuqa talefannada casriga ah, tan oo ah dacwad taariikhi ah oo ka dhan ah shirkadda weyn ee teknoolojiyadda oo la soo bandhigay todobaadkii hore afhayeen u hadlay Apple ayaa sheegay in shirkadu ay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonto baaritaanka iyo in ay ku kalsoon yihiin in qorshahoodu uu waafaqsan yahay Xeerka Suuqyada Dijital a
Waxay intaa ku dareen in kooxahoodu ay dejiyeen habab kala duwan si ay ugu hoggaansamaan sharciga caanka ah ee Midowga Yurub, iyo sidoo kale ilaalinta gaarka ah iyo ilaalinta amniga isticmaalayaasha Midowga Yurun intii oo dhan, waxaan muujinnay dabacsanaan iyo ka jawaab celin Guddiga Yurub iyo horumarinta, dhageysiga iyo ku darida jawaab celintooda," ayay yiraahdeen
Dhanka kale afhayeen u hadlay Meta ayaa sheegay in isticmaalka shirkadda ee isdiiwaangelinta beddelka xayeysiinta ay tahay "qaab ganacsi oo si wanaagsan loo aasaasay oo dhinacyo badan ah waxaan u qaabeynay ku biirinta Xayeysiis la'aan si ay wax uga qabato dhowr waajibaad sharci oo is-daba-joog ah, oo ay ku jirto DMA waxaan sii wadi doonnaa inaan si hufan ula shaqeyno Guddiga," ayay yiraahdeen faallada shirkadda Google iska leh ee Alphabet eek u aaddan arrinkan ayaa weli la sugayaa
Dr Rupprecht Podszun, oo ah maamulaha machadka sharciga tartanka ee Jaamacadda Heinrich Heine ee Dusseldorf, ayaa ku tilmaamay "calaamad xooggan" oo ka timid Midowga Yurub DMA waxaa loogu talagalay natiijooyin degdeg ah," ayuu yidhi kiisaska ay Komishanku doorteen waxa ay ku dhacayaan udub-dhexaadka moodooyinka ganacsiga, kuwani maaha arrimo aan fogayn oo ay leeyihiin iridaha
Dagaallada sharcigu waxay noqon doonaan kuwo kacsan, laakiin waa inaan mar walba maskaxda ku haynaa in Maxkamadda Cadaaladdu ay yeelan doonto do’aanka ugu dambeeya
3 Comments
midowga yurub waxay doonan ayay sharci kaga dhigayaan mana diidi kartid waa in laga hortagaa
ReplyDeleteAduunka markaan wuxuu isku bedelay tiknology waa in faraha laga baxaa
ReplyDeletemidowga yurub haday danahooda ay kaa arki waayaan dembi been ayay kugu soo rogayaan
ReplyDelete