Dilaa xabsi ka baxsaday madaxiisana lacag dul saarneed oo la qabtay

SIYAASADDA

Ciidamada amaanka maamulka Puntland

 Ciidamada amaanka maamulka Puntland, ayaa loo soo gacan galiyay nin xukun dil ah horey ugu riday maxkamadda ciidamada Puntland, kaa oo ka baxsaday xabsigii oo ku xirnaa oo kuyaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Ciidamada shacabka ee deegaannada Wisil

Ciidamada shacabka ee deegaannada Wisil iyo Bacaadweyn, ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), oo laamaha amniga Puntland si weyn u baadigoobayeen horeyna madaxiisa u duldhigeen lacag abaalmarin ah oo la siinayo cidii soo qabata ama xogtiisa keenta

Ninkan oo horey uga tirsanaa shabakad dilal

Ninkan oo horey uga tirsanaa shabakad dilal badan ka geesatay magaalada Gaalkacyo, ayaa horey maxkamadda ciidamada xukun dil ah ugu riday, hasa ahaatee ninkan iyo xubno kale oo xukun ku dhacay ayaa xabsigii ay ku xirnaayeen ka baxsaday, kuwaa oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Laamaha amaanka maamulka Puntland, ayaa uga mahadceliyay ciidankii soo qabtay ninkan baxsadka ahaa ee baadigoobka ugu jireen, waxaana ninkan hadda lagu xiray xabsi si weyn amaankiisa loo ilaaliyo oo kuyaalla waqooyiga Gaalkacyo

Post a Comment

3 Comments

  1. si markale xabsiga ugu bixin waa in la dilaa

    ReplyDelete
  2. Marmarsiiyo kale waa in aan loo raadin waa in wuxu sameeyey laga jaasiyaa

    ReplyDelete