Carlo Ancelotti Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Tagay Real Madrid.

Carlo Ancelotti

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay inuu isaga tago kooxda Ancelotti ayaa sheegay in guuldaradii Real Madrid ka soo gaartay Arsenal wareega 8da ee Champions League ay soo xirtay masiirkiisa kooxda guuldaradaas

Sida uu sheegay tababarihii hore ee Chelsea

Sida uu sheegay tababarihii hore ee Chelsea, ayaa sameeyay go’aankiisa uu kaga tagayo Santiago Bernabéu Ancelotti ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareed niyad jab leh Los Blancos ayaa guuldaro kala kulantay Champions League, La Liga, Copa del Rey iyo Supercopa de España Los Blancos ayaa afar jeer guuldaro kala Barcelona

Laba jeer oo horyaalka ah iyo laba jeer oo final-ka

Laba jeer oo horyaalka ah iyo laba jeer oo final-ka koobka ah Ancelotti ayaa u sheegay MARCA in uu wadahadal dhab ah la yeeshay maamulka sare ee kooxda kadib markii ay ka hareen tartanka champions League natiijadu ma ahayn wixii aan filaynay, kooxda ciyaarteeduna ma ahayn mid aad u fiican

Waxa la gaadhay waqtigii wax la samayn lahaa kadib kulankii Arsenal waanu ka hadalnay oo go’aansanay. Waxay ahayd wax aan arki karno oo soo socda

Kooxd u qaab ciyaareed fiican kuma aysan jirin, waxaana ogaanay inay u wanaagsan tahay Real Madrid inay raadiso isbedel, anigana aan eego Brazil,” ayuu yiri Ancelotti

Post a Comment

0 Comments