Dowladda Federaalka Soomaaliy iyo Taliska Mareykanka
Dowladda Federaalka Soomaaliy iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo iskaashanaya ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaan qiyaastii 40km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose
Duqeyntan ayaa la sheegay in si gaar ah
Duqeyntan ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan kooxda -Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku howlanaayeen qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo lagu bartilmaameedsanayo shacabka Soomaaliyeed, ciidamada ammaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana uu muujinayo sida uu u shaqeynayo iskaashiga dhanka amniga ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah
Dowladda Federaalka ayaa uga mahad celiyay Taliska AFRICOM howlgalka uu fuliyay, iyadoo sidoo kale markale adkaysay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka
Maraykanka ayaa in ka badan 25 duqayn ah oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish ka fuliyay Soomaaliya sanadkan gudihiisa, waxaa uu ku dilay boqolaal kamid ah dagaalamashooda, si uu uga hortago halistooda dhawaan Maraykanka ayaa sheegay inuu joojiyay inuu shaaciyo khasaaraha howgallada uu ka fuliyo Soomaaliya.
0 Comments