Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo beeniyay in si awood leh loo diiwaangelinayo Ardayda wax kabarata Jaamacadaha Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka

 Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa been abuur ku tilmaamay in ay awood u adeegsanayaan ardayda waxkabarata Jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho si ay u qaataan Kaarka Codbixinta ee Doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir Cabdullaahi Salaad Yaroow oo ka tirsan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo safar ku jooga 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta

Magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta u sheegay in waxba kama jiraan ay tahay wararka la isla dhexmaraayo ee ku aadan inay goobaha waxbarashada ay u tageen inay si xoog ah ku diiwaangeliyaan ardayda

Mas'uulkaan ayaa u cuskaday diiwaangelinta

Mas'uulkaan ayaa u cuskaday diiwaangelinta ay Guddiga ka wadaan xarumaha Waxbarashada mid ay iyagu soo dalbadeen maadama maalmaha isdiiwaangelinta ee Sabti ilaa Khamiis ay ardayda waxbarasho ku jiraan maalinta Jimcadana u tahay maalin nasiino sidaas darteed ay u baahdeen in loogu dhowaado xarumahooda

Cabdullaahi Salaad Yaroow ayaa ugu baaqay Ururada Siyaasadda inay Tagaan Xarumaha Dowlad Goboleedyada ayna qaataan Abaabulka Taageerayaashooda kana fogaadaan wax waliba oo Amniga wax u dhimi kara ayna ku dhiirgeliyaan inay kaarka codbixinta qaataan

Jawaabta Guddiga ayaa kusoo beegantay iyadoo ay Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Wadajir iyo Himilo Qaran madaxdooda Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Sheekh Axmed ay si kulul ugu eedeeyen in Guddiga doorashada ay si xoog ah ku diiwangeliyaan iyagoo qori caaradiisa adeegsanaya ardayda Jaamacadaha waxkabarata

Post a Comment

0 Comments