Warar isisoo taraya ayaa sheegaya Mahad Salaad
Warar isisoo taraya ayaa sheegaya Mahad Maxamed Salaad loo magacaabayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, xogtaan waxaa soo dusiyey xubno ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee UPD Xasan Sheekh iyo Xamsa Barre ayaa la sheegay inay gaareen go’aan ay wax uga bedelayaan masuuliyiinta amniga Soomaaliya
Maadaama dowladda uu heysto fashil dhanka dagaalka ah
Maadaama dowladda uu heysto fashil dhanka dagaalka ah is bedelka la qorsheeyey ayaa la sheegay inuu ka bilaabanayo xilka Taliyaha NISA, xubnaha noo waramay waxay sheegeen in madaxda qaranka ay ku qanceen in Mahad Salaad lagu soo celiyo booskiisii hoggaanka NISA
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha NISA
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe, uu qorsheynayo inuu is casilo inta aan laga qaadin xilka waxaana suurtagal ah inuu ka baaqsado is casilaadaas is-baddelada kale ee la qorsheeyey ayaa la sheegay inay saamey doonaan Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo taliyaasha hoose ee ciidamada xoogga dalka
Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka xumaaday inay baxdo xogta dib u magacaabidda Mahad Salaad oo qabsatay baraha bulshada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in xogtaan ay ka baxday, wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha miiska saaran ee dib loo soo celinayo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Jeneraal Biixi
Waxaa suurtagal ah, in Biixi loo magacaabo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga oo meesha laga saaro boosta Taliyaha Dhulka qorshahaan waxaa la yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa
0 Comments