Kooxda argigixisada Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay duleedka Baydhaba

Kooxda argigixisada

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu arkay tuulooyin hoostaga aagga Baydhaba, iyaga oo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka

Kooxda ayaa lasoo wariyay inay waddo abaabul culus

Kooxda ayaa lasoo wariyay inay waddo abaabul culus, kadib markii dhowaan lagu jabiyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Burjeed ee gobolka Baay, halkaas oo lagu laayay maleesiyaad badan kadib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee markaas la laayay ayaa la geeyay magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana qorshaha Al-Shabaab la xiriirinayaa inuu daba socdo dagaalkii lagu jabiyay ee ka dhacay aagga magaalada Baydhaba dhanka kale, majiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Koonfur Galbeed oo ku aadan dhaq-dhaqaaq ay Khawaarijta ka waddo qaybo kamid ah gobolka Baay.

Dhaq-dhaqaaqyada ayaa sidoo kale kusoo aaday iyada oo todobadkii hore ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay muddo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku beegsato fariisimaha ciidamada ee ku yaalla labadaas gobol si kastaba, haahaatee Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo adag, waxaana dagaallada xoogooda ay ka socdaa gobollada Shabeelooyiinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments