Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo Mareykanka uu ka fuliyay dekedda shidaalka Ras Isa ee dalka Yemen duqeymaha cirka ah ee ciidamada Mareykanka ay fuliyeen ayaa lasoo warinayaan inay ku dhinteen ugu yaraan 38 qof
Halka 102 kale ay ku dhaawacmeen weeraradan
Halka 102 kale ay ku dhaawacmeen weeraradan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ku waxyeeloobay warbaahinta Al Masirah ee ku hadasha afka kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay in duqeymaha ay dhaceen, inkasta oo aysan si rasmi ah u shaacin khasaaraha gaarey dagaalyahanadooda
Waxay si gaar ah u muujisay cabashada laga qabo
Waxay si gaar ah u muujisay cabashada laga qabo weerarada Mareykanka ee kusoo noq-noqday saldhigyada muhiimka ah ee dalka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradaas ay la beegsadeen ilaha dhaqaale ee kooxda Xuutiyiinta, gaar ahaan kuwa la xiriira dakhligooda saliidda, si loo wiiqo awoodooda dagaal iyo dhaqaalaha ay ku taageeraan weerarada
Bayaan kooban oo lagu daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in ujeeddadu tahay “in la wiiqo awoodda dhaqaale ee Xuutiyiinta kuwaas oo sii xumeynaya nolosha shacabka ay maamulaan.” Bayaankaas ayaa sidoo kale muujiyay in weerarradu yihiin tallaabo la isku dayayo in lagu xakameeyo saamaynta Xuutiyiinta ee gobolka
Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka weli kama aysan falcelin wararka sheegaya tirada sii kordheysa ee dhimashada dadka rayidka ah ee ku waxyeelloobay duqeymaha weerarradan ayaa loo arkaa kuwo la mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Mareykanku ka geysto gudaha Yemen
Tan iyo markii kooxda Xuutiyiinta ay bilaabeen weerarada ay ku beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israel dekedda Ras Isa, oo ah mid ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee dalka Yemen, ayaa muhiim u ah dhoofinta saliidda iyo keenista badeecadaha daruuriga ah. Qiyaastii 70% badeecadaha dalka la geeyo iyo 80% gargaarka bani’aadamnimo ayaa soo mara dekedaha Ras Isa, Xudeyda, iyo as-Salif
0 Comments