Deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan
Deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ayaa noqday goob dagaal culus ah, kadib markii ciidamo deegaanka ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaankaas weerarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagaga saaro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka
Sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka
Sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka, dagaalku wuxuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada saxda ah ee labada dhinac kala gaaray dagaalku wuxuu socday muddo saacado ah, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas culus ciidamada deegaanka oo ay garab siinayaan kuwa dowladda federaalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Si loo sugo amniga deegaanka loona xoreeyo
Si loo sugo amniga deegaanka loona xoreeyo meelaha wali gacanta ugu jira kooxda. Saraakiisha ciidamada ayaa muujiyay go’aan adag oo ku aaddan la dagaallanka kooxaha nabadda diidan deegaanka Aboorey ayaa ah meel muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaallo soo noq-noqday, taas oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay doonayso inay sii joogto deegaannada muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee, dadaallada shacabka iyo ciidamada isku dhafan ayaa sare u qaaday cadaadiska lagu saarayo kooxda wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay hore ula wareegtay deegaanka Aboorey, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku jira dadaallo culus oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deegaankaas. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo dagaallo hor leh oo ka qarxa mar kale
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale howl-gallo isdaba joog ah ka wada deegaanada ay weli joogaan xubnaha Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe tallaabooyinkan ayaa lagu doonayaa in lagu burburiyo saldhigyada kooxdaas iyo in laga hortago weerarada ay abaabulayaan.
Dagaalka ka socda Aboorey wuxuu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka, laguna doonayo in lagu jabiyo awoodda kooxda Al-Shabaab dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka ayaa muujinaya isku duubni iyo dadaal wadajir ah oo lagu doonayo in lagu sugo amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaannada bartilmaameedka u ah argagixisada
0 Comments