Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in la burburiyay buundo macmal ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka sameysatay deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ay ku soo weeraraan gobolka Shabeellaha Dhexe ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu
Waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay halkaasi ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen soo gudbinta maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku dayayay inay carqaladeeyaan amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe
Howlgalka oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal
Howlgalka oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal ayaa waxaa lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo qorsheynayay inay buundada ka gudbaan, si ay garab u siiyaan maleeshiyaadka firxadka ah ee ciidamada qaranku ay baacsanayaan gudaha HirShabeelle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.
Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ku guuleystay inay xiraan dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee kooxda Al-Shabaab ay ku baxsan lahayd, sida lagu sheegay qoraalka waxaa hadda go’doon ku jira maleeshiyaad iyo horjoogeyaal haraadi ah oo ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaana ciidamada qaranku ay wali sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda hoggaamiye ku-xigeenkii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Yuusuf Dhegnaas, ayaa xalay lagu dilay duqayn sidan oo kale ah oo ka dhacday aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolkaasi
0 Comments