XOG cULUS asad diyaano oo taliyaha booliska laga dhigaayo iyo siyaasad cusub oo loo degay saciid deni

xasan sheekh iyo saciid deni

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan

 Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Khamiista

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.

Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa Sidoo kale Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay

Balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa si kastaba, haddii lagu dhawaaqo magacaabista Asad Diyaano ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo hadda ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu wadahadal ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni

Post a Comment

0 Comments