Murusade iyo Waceysle oo bilaabay arrin halis ah oo fursad siineysa Al-Shabaab


Murusade iyo Waceysle

Afduub iyo inay is ugaarsadaan ayaa ka dhex bilaabatay

Afduub iyo inay is ugaarsadaan ayaa ka dhex bilaabatay beelaha Murusade iyo Waceysle ee dega deegaanada bari ee gobolka Galgaduud, maalmihii lasoo dhaafay labada dhinac ayaa iska afduubtay ugu yaraan 5 qof oo wax dembi ah aan gelin, balse loo dakaneeyey nin lagu magacaabo Cali Geele oo toddobaadkii hore ay baadiyaha fog ee Galhareeri kasoo qabteen ciidamada Macawiisleyda ah ee beesha Waceysle

Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade

Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade ayaa lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana la wareegay ciidamada dowladda federaalka markii la geeyey Ceeldheer, kadibna waxaa loo soo qaaday Muqdisho, si loo baaro inuu Shabaab yahay Soo qabashada ninkaas waxaa ka carootay beesha Murusade oo afduubatay ugu yaraan labo qof oo kasoo jeeda beesha Waceysle, kuwaas oo ahaa wiilal xoolo dhaqato ah oo cidna aan dhibaateyn, balse loo dakaneeyey qabiilkooda

Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle

Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle, waxayna soo afduubteen ugu yaraan saddex qof oo Murusade ah, kuwaas oo hadda lagu hayo aagga degmada Ceeldheer maleeshiyaad kasoo jeeda Waceysle ayaa howdka degmada Ceeldheer ku heysta 3-daas qof oo beesha Murusade u dhalatay, halka labo Waceysle ah ayagana Afduub loogu heysto aagga degmada Galhareeri

Waxaa joogsaday gaadiidkii u safri jiray deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ee bulshada Murusade iyo Waceysle ay adeegsa jireen, maadaama ay bilaabatay in dadka safarka ah lagala degayo gaadiidka, taas oo khatar ku ah bulashada labada beelood arrintaan ayaa sidoo kale khatar ku ah dagaalka Al-Shabaab oo qarka u saaran uu joogsado, maadaama ay beelihii ku mashquuleen inay ayaga is ugaarsadaan, waxaana xusid mudan in Shabaab-ku ay isku diraan beelaha oo fursado badan ay ka dhex raadiyaan colaada qabaa’ilka

Post a Comment

0 Comments